Maxaad Ka Taqaanaa 10 Waddan Ee Ugu Faqiirsan Afrika?

0
411

3:  Burundi :wadanka saddexaad ayaa ah wadanka Burundi waana wadan ay ragaadiyeen dagaalo sokeeyey iyo sidoo kale hab qabiil oo aad u fool xun,waxaanu hoos uga dhacay dhinacyada waxbarashada,dhaqaalaha iyo sharciga oo aan la raacin,waana wadan aan deked lahayn manuu awoodin inuu sameeyo qorshe maaliyadeed oo degan.
93% dadka reer Burundi waxay caan ku yihiin iibinta cudbiga,halka ay 80% dadka reer Burundi ahi ku nool yihiin xaalad aad u culus oo faqiirnimo hoose ah,waxaana caruurta dalkaasi 57% kamid ahi u dhintaan nafaqo daro markay da’ahaan gaadhaan shan sanno jir.
Wadankan ayaa dhaqaalihiisu yahay $648.58 Dollar,waana mid aad u hoosaysa ,taas oo ah waxyaalaha keenay inay fuqaro noqdaan,sidoo kalena waxa aad u ragaadiyey musuq maasuq baaxad leh.
4: Liberia :wadanka afraad ayaa ah wadanka Liberia,waana wadan isna ay ragaadiyeen dagaalo qabiil,kuwaas oo muddo ka socday wadankaasi,waxaanu hadda kazoo kabanayaa dagaaladaasi sokeeye ee ragaadiyey,
Wadankan ayaa ah wadanka kowaad ee aan weligii la gumaysan qaaradan Afrika,waana wadan laga dhoofin jiray adoomaha ugu badan ee la geynaayo qaarada America,waxaana markii ugu horeysay inqilaab ciidan ka dhacay sannadkii 1980 kii,waxaana waqti yar ka dib dagaalo sokeeye oo ay ku naf waayeen dad shacab ah oo gaadhaaya ilaa 100,000 oo qof,waxaanu xasilay sannadkii 2005 kii oo la kala dejiyey ciidamo caalami ahina yimaadeen ,loona dhiibay xilka madaxweyne dadku soo doorteen.
Waxaanu wadankaasi weli dareemayaa saamayntii dagaalada sokeeye ay kaga tageen,waxaana shacabka dalkaasi $1 dollar wax ka hooseeya ku nool  85% qof.
Wadankan ayaa dhaqaalihiisa lagu qiyaasay inuu gaadho ilaa $716.04 Dollar,kaas oo ka hooseeya intii la doonaayey ee ay ahayd inay noqoto  dhaqaalihiisu.
5: Eritrea  :wadanka shanaad ayaa noqday wadanka Eritrea waana wadan ka go’ay wadanka Ethiopia colaad balaadhan oo dhanka xadka ahina u dhaxayso,waxaana mara Suez Canal ,waxaana gumaystay wadanka Talyaaniga sannadkii 1869 kii.
Waxaana qabsaday intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka wadanka Ingiriiska,isaga oo gacanta ku dhigay sannadkii 1941 kii.
Wadankan ayaa dhaqaalihiisu aad u hooseeyaa,waana wadanka madaxweynaha haystaa yahay keligii taliye aan xidhiidh la lahayn caalamka,waana wadan caalamka intiisa kale ka xidhan ,waxaanay dadkiisu qof waliba maalintii ku nool yahay 1.2$ ilaa 2 $ maalintii.
Dhaqaalihiisa ayaa la sheegay inuu gaadho cabir ahaan $792.13 oo lacagta Maraykanka ah,taas oo aad u hoosaysa .
 lasoco……
 
 

Leave a Reply