Hargeysa (Dawan): Siyaasiga Maxamed Xuseen Food-yare, kana mid ahaa golihii hore ee Wakiilladda Somalilland ayaa si adag u naqdiyay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay inuu ku tuntay xeerarkii iyo shuruucdii dalka u yaalay, isla markaana uu qas ka dhex waddo golaha Wakiiladda.
Waxaanu carabka ku dhuftay in aan dalka lagu aamini Karin xisbiyada mucaaradka ah, maadaama oo ay ku fashilmeen masuuliyadii mucaaradnimo ee laga doonayay.
Maxamed Food-yare oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa uu sheegay in aanay banaanayn in guddoomiye Cirro siyaasadda xisbigiisa ka fushado golaha Wakiiladda. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddoomiyaha golaha wakiilladu haduu sharciga jeebka ku rito oo marka uu doonana kala soo baxo, waxa khasab noqonaysa wax aan sharcigu banaynayn in isagana lagu horjoogsado.
Sababtu waxay tahay haddii guddoomiyaha golaha Wakiiladda xeerkii golaha Wakiiladda u yaalay uu ku tunto, talaabadii hore ee uu qaaday oo uu cod galiyay mooshinkii la keenay. Hadii dib loo soo celiyay mooshinkii waxa xaq loogu lahaa in uu mariyo wadadii hore ee uu mariyay mooshinkii hore, laakiin waxa muuqata in guddoomiyuhu dano siyaasadeed oo uu leeyahay meesha ka wato.”
Md. Food-yare, waxa uu intaas ku daray “Waa guddoomiye xisbi mucaarad, waa murashax madaxweyne, mana bannaana inuu danta xisbigiisa golaha wakiillada ka fushado. Sidaa darteed waxa ay iila muuqataa in aanu guddoomiy ka sii ahaan Karin golaha wakiiladda, haddii uu sii ahaadana golahaasi wuu burburayaa”ayuu yidhi Food-yare.
Isagoo ka hadlayay sida uu C/raxmaan Cirro siyaasadii xisbigiisa ugu milay golihii umadu soo dooratay, waxa uu yidhi “Xildhibaanada mucaaradkuna aragtida xisbigooda ayay ku shaqaynayaan laakiin waxa ay ahad inuu aqbalo guddoomiye Ciro haddii aqlabiyad laga yeesho oo aanu is hortaagin ayaa loo baahan yahay, haddii guddoomiye ku xigeenkiisu yidhi cod galiyo mooshinka waxa ay ahad inuu golaha waydiiyo go’aanka in cod loo qaado iyo in aan la codayn. Guddoomiyuhu markii uu ogaaday in laga cod badan yahay waxa uu damcay inuu xoog ku mariyo oo uu ku hor joogsado mooshinkii, guddoomiyaha golaha wkaiilada ayaana xad gudub sameeyay oo gacan ka hadalkaa sababay.
Waana masuuliyad darro ninka maanta golaha wakiiladda ku dagaalamaya umadda madaxweyne uma noqon karo”.
Maxamed Food yare waxa kale oo uu naqdiyay xisbiyadda mucaaradka ah oo uu ku tilmaamay in ay ku fashilmeen saaxada siyaasada waxaana uu yidhi “Nimanka mucaaradka sheeganayana ee caytamaya ee sodahaha caayaya waxa aan leeyahay xisbiyadda mucaaradku ma taagna meeshii laga doonayay, waa xisbiyo niman leeyihiin, waa xisbiyo fashilmay.
Way gabeen masuuliyadii mucaaradada ee laga doonayay, waxa ay ahad inay ka hadlaan waxyaabaha dalka ka jira laakiin in ay si badheedha oo qaawan inay u caayaan guddoomiye ku xigeenka koowaad waa ayaan darro ayaan leeyahay, shalayto caadifada dadkii ku geeyay Muqdisho Somaliland ee la lahaa aan hubsano dad badan ayaa jooga Somaliland oo donaya in aanay Somaliland hano qaadin.”
“Waxa aan leeyahay dhaliisha mucaaradka ayaa iska leh, Cali Gurayna waxa aan leeyahay cayda liisan ayaad u haysataa ee umadda hadaad wax ka doonayso aflogaadada jooji. cid la soo kiraystay ma jirto xildhibaan waliba waxa uu xor u yahay aragtidiisa siyaasadeed. Waxa weeye, midnimo Somaliland ayaan rabnaa, waa in midnimada beelaha Somaliland la ilaaliyo.” Ayuu yidhi siyaasi Maxamed Xuseen Food-yare.
By. Khadar M. Cismaan
Dawannews Hargeysa office