Markii uu nin Maraykan oo lagu magacaabo Keil ka soo baxay kaalin lagu iibiyo shidaalka ee uu gaadhigiisa oo ah nooca shefar 1999, daaqada furay ayuu nin weyni si kedis ah ugu soo dhaqaaqay waxaana uu weydiiyay isagoo kor u qaylinaya sanadku waa kuma? , ninkani wax yar ka hor wuxu taagnaa goob usoo maray Keil , waxaana uu xidhanaa dharka shaqada ee madow ee laga sameeyay dunta. Keil isagoon weli jawaabin ayuu mar labaad ku celiyay sanadka ii sheeg? Wux ahaa nin da’ ahaan 30 ilaa 40 ka ah, waana uu dheeraa.
Keil ayaa markaasi ku yidhi waa 2003. Laakiin ninka ayaa cadho la jeestay oo haddana ku celiyay sanadka ii sheeg? Keil ayaa ku celiyay waan kuu sheegay inuu yahay 2003. Keil markii uu gaadhigiisa korayay ninkuna wuu eegayay. Keil aad ayuu ula socday waxaana uu eegayay ninka si uu ogaado hawshiisa. Ninkii ayaa kaalinta horteeda kaga qarsoomay Keil, waxaana uu u qaatay inuu galay Kaalinta wuu soo degay ooka eegay laakiin waa uu waayay. Markaasi ayuu Keil ogaaday inuu ahaa Nin Jin ah. Waxaana uu yidhi wuxu ahaa nin Jin ah oo aan rabin jawaabta saxa ah. Source (Cases Of Time Slip).