“Dalku Madaxweyne Ayuu Leeyahay Oo Masuuliyadi Ka Saaran Tahay Jaan-goynta Siyaasadda Iyo Horumarinta Wadanka”

0
310

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ansixisay xeerka siyaasadda qaranka dad aan Xukuumadda imika tallada haysa hortood la xasuusan, isla markaana la iskana illaabay.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee maalintii Khamiistii ee dorraad oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dood dheer iyo falan-qayn ka dib waxay golaha Wasiirradu ansixiyeen Siyaasadda Horumarinta Naafada Qaranka kaas oo ummad ahaan iyo qaran ahaanba waajib ku ah dawlad iyo shicibba in wada jir wax loogu qabto dadka naafada ah ee reer Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo warbaahinta qaranka faah faahin ka siiyay shirkii golaha wasiirrada ee Khamiistii iyo siyaasadda horumarinta naafada ee lagu ansixiyay,ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay eedaymaha ay mucaaridku Xukuumadda u jeediyaan oo uu sheegay in ay yihiin wax aan waxba ka jirin oo bulshada xumaan loogu sheegayo, waxaanu ummadda reer Somaliland kula dar daarmay wada jir iyo isku duubni.
Afhayeenku waxaa uu Mucaaridka xusuusiyay dalku in uu leeyahay Madaxweyne qaran oo la soo doortay awoodna u leh hagista qaranka iyo jaangoynta Siyaasadda dalka lagu maamulayo.
“Mucaaridka waxaan u sheegayaa dalkani Madaxweyne ayuu leeyahay, Madaxweyne qaran oo la soo doortay ayuu leeyahay oo awood buuxda oo dastuuri ah u haysta jaangoynta hagista siyaasadda qaranka dad suuqa jooga iyo hadal muqaaxi laga yidhina dal laguma maamulo ee siyaasad cad ayaa lagu hagaa qaran oo hoggaamisa.”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata bulshadana farriin u diraya ayaa intaa ku daray, “Bulshada waxaan leeyahay waad aragteen habeen kasta waxaa TV-yada iyo warbaahinta la idiin soo marinayo ee la doonayo in dhegaha la idinkaga wasakheeyo markaa waxaan idin leeyahay ha dhegaysanina dadka xumaanta iyo beenta wada ee niyada iyo dhegahaba idinka wasakhaynaya.”
Waxaa kale oo uu Afhayeenku ka hadlay siyaasadda horumarinta naafada ee lagu ansixiyay shirkii golaha Wasiiradda.
“Maanta (dorraad) waxaa lagu ansixiyay shirkii golaha Wasiirrada arrin aad iyo aad muhiim u ah oo qaranka faa,iido wayn u leh kaasoo ahaa siyaasadda horumarinta naafada Qaranka, kaasoo ah mid halbawle ah dalka iyo dadkaba wax tar u leh, dadka naafada ah xilbaa inaga wada saaran dhammaanteen waa dad muwaadiniin ah oo u baahan shicib iyo dawladba in wax la taro siyaasadda horumarinta naafada qaranka ee la ansixiyayna waxay noqonaysaa tallaabo guul ah oo qaranku gaadhay.” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland, ayaa intii ay xilka qaranka haysay qaadday tallaabooyin wax tar leh oo lagu kaalmaynayo dadka naafada ah, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah naafada dalka loo qaybiyay gaadiid u sahlaya in ay ka dhex adeegan karaan magaalooyinka. Halka Madaxweynaha Somaliland digreeto hore ugu soo saaray in dhismayaasha dalka oo dhan la waafajiyo qaab dhismeed ay dadka naafada ahi gudaha u gali karaan mid dawladeed iyo mid shicibba. Waxaa kale oo laga daayay canshuurta waddo marista ee gaadiidka laga qaado dhamnaan dadka naafada ah gaadiidkooda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply