“Waxaan Hubaa Mucaaridkuba Haddii Ay Xilka Hayn Lahaayeen In Ay Naga Kirayn Lahaayeen Haamaha”

0
305

Hargeysa(DAWAN):- Guddoomiyaha Midawga Shirkadaha Shidaalka soo dejiya Xasan Maxamed Cige ayaa siyaasiyiinta Mucaaridka ah ku eedeeyay in ay ku xumayn Xukuumadda ah u diidan yihiin in ay Shirkadaha shidaalka soo dejiya ee Wadaniga ahi ay  kiraystaan Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera isla markaana maal galin ku sameeyaan .
Waxaa kale oo uu intaa ku daray Guddoomiyaha Midawga Shirkadaha Shidaalku in ay Mucaaridkuba ka kirayn lahaayeen Haamaha Kaydka Shidaalka haddii ay talada hayaan imikana u diidan yihiin oo kaliya dano siyaasadeed iyo dhaqaale oo iyaga u gaar ah.
Xasan Maxamed Cige oo ugu horrayn ka hadlaya sida uu u arko diidmada ay mucaaridku kaga hor yimaadeen in ay Haamaha maal gashadaan oo laga kireeyo, ayaa yidhi “Horta waxaa is waydiinta lihi waxay tahay dadkan diidan in Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera shirkadaha imikaba hantidooda ku shuba ee ku aaminay lacagtooda in laga kireeyo waa maxay danta ay ka leeyihiin, taasi waxay noogu muuqataa in ay tahay arrin ay dano gaara ka leeyihiin oo wajiyo badan oo kala ah mid dhaqaale, mid ganacsi mid siyaasadeed iyo doonis shaqsiyadeed oo ay ku doonayaan in ay meesha ka saaraan Haamaha Kaydka Shidaalka ee Qaranka si ay Haamuhu dayac ugu dhintaan oo ay noqdaan qolfoof aan waxba hayn Karin, waxaanay sidaa u yeelayaan waxay noogu muuqataa in shaqsiyaadka siyaasiyiinta leh ee Xildhibaanada leh ee ganacsiga ku dhex jiraa in ay doonayaan in ay samaystaan Haamo ay iyagu gaar u leeyihiin oo ay naga kireeyaan.”
Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa tafaasiil ka bixiyay cidda ay dhibaatadu ka soo gaadhayso haddaan Haamaha Kaydka Shidaalka wax laga qaban oo aan la dayactirin, waxaanu yidhi. “Horta cidda maanta Hantidoodii ku jirto ee haddii aan wax laga qaban oo dayaca lagu eegto dhibaatadu ka soo gaadhaysaa waa annaga (Shirkadaha shidaalka keena) haddii wax laga qabto oo la hagaajiyo cidda hantidoodu ay badbaadaysaana waa annaga, markaa waxanu aad ula yaabanahay siyaasiyiintan nala doonaya qasaaraha iyo dhibaatada na soo gaadha, waxay uga jeedaan colaadda iyo cadaawadda ay noola badheedhayaan, sababtoo ah inta ka hadlaysa arrinta Haamaha ee muranka abuurtay qof ay wax kaga jiraan kuma jiro laakiin waa dad dano kale wata waxaanan u sheegayaa shirkadahayagu waxaanu diyaar u nahay in aanu bad baaadino hantidayada iyo Haamaha Kaydka Shidaalka ee qaranka oo aanu dayac tirno wax kasta oo ay u baahan yihiinna aanu galino.dadkaa arrinta Haamaha wad wadana waxaan odhan lahaa oo kaliya dantiina oo kaliya iyo damiciina oo qudhi yaanu idiin muuqan ee arrinta Haamaha ha siyaasadaynina waa hanti qaran oo wax ka qabasho u baahan.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay qadarka lacagta ay u baahan yihiin Haamuhu in lagu dayac tiro  iyo goorta ay bilaabeen in ay Xukuumadda kala hadlaan doonista ah in Haamaha laga kireeyo, waxaanu yidhi. “Horta sheekada ah in aanu Xukuumadda ka codsanno in Haamaha nalaga kireeyo waxaanu bilawnay 2011-kii, Markaas oo aanu Madaxweynaha arji u gudbinay illaa imikana xidhiidhkaasi wuu socday Xukuumaddu intii ay Total ka wareejisay wax badan ayay ka qabatay laakiin imika halka ay Haamuhu marayaan waxay u baahan yihiin in lacag badan la galiyo oo wax laga qabto oo ugu yaraan illaa 18 milyan oo Dollar ayay u baahan yihiin in deg deg loo galiyo oo lagu dayac tiro. Xilliganna Xukuumadda lacagta intaa leeg mar uma wada goyn karto oo baahideena dhaqaale uma saamaxayso oo canshuurta yar dalka ka soo xaroota ayaa dalka oo dhan lagu kala wadaa illaa ciidan iyo illaa shaqaale dawladeed markaa waxay ka fursan wayday in maal galin Haamaha lagu sameeyo waxaa kale oo la isla qaatay in wixii aynu muwaadiniin ahaan qabsan karayno ee aynu maal gashan karayno in aan shisheeye la siin, imika waxaanu nahay lix shirkadood oo midoobay isla markaana awoodooda dhaqaale u saamaxayso in ay maal galin rasmi ah ku sameeyaan Haamaha Kaydka Shidaalka ee qaranka si ay Haamahana u badbaadiyaan hantidoodana meel aamin ah oo aan qasaare ka soo gaadhayn ugu shubaan, laakiin cidda sidaa diidan ee qaylada waddaa malaha waxay doonayaan in haamo la,aan dalku ku dhoco oo shidaalka Boosaaso iyo Xamar iyo meelo kale foostooyin lagaga keeno.”
Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay warar sheegayay in Xukuumaddu ku darsatay shirkadaha doonaya in Haamaha lagu wareejiyo kuwo magac u yaal ah oo aan jirin, taasoo uu sheegay in aanay waxba ka jirin.
“Arrinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera cidda wad wadda ee Siyaasadaynaysaa waa dad u jeedo gaara iyo dano ganacsi leh oo doonaya in ay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera halkaa ku dhintaan oo ay dayac u baa ba,aan cidda hantidoodii ku jirto ee shidaalka ku shubatay eek u qasaaraysaana waa annaga,markaa ogolaan mayno in ay hantidayadu qasaarto wax kasta oo aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa,hadday cidda arrinta haamaha wad waddaa doonayso in ay dalka iyo annagaba na qasaareeyaan taasi waa wax aan soconayn,bal horta waxaa is waydiin leh cidda ka hadlaysaa waa,ayo? Shirkado shidaal keena maaha oo wax ku shubta cid ka shaqaysa maaha oo xaqiiqo sheegaysa laakiin waa dad si kale oo qaldan wax u wada oo danahooda gaarka ah ka fekeraya oo dan shaqsi ah oo ay yeeyihiin Haamaha ka dhex arkay.”ayuu yidhi Guddoomiye Xasan.
Mar uu ka jawaabayay su,aal laga waydiiyay in ay jiraan shirkado dulsaar ah oo xukuumaddu jeebka ku sidato oo lagu soo dul tuuray iyo lacago uu dillaal uga qaatay Safiirka Somaliland u jooga dalka Imaaraadka Carabtu iyo in ay ka noqdeen doonistoodii Haamaha,ayuu ku jawaabay. “Horta marka been la sheegayo waa tan imika oo kale,shirkadahayaga oo lix ah,ayaa codsigan keenay oo ku hammiyay in ay hantidoodana badbaadiyaan Haamahana maal galin rasmi ah ku sameeyaan,taana waxaanu bilawna oo aanu Madaxwaynaha codsigayaga u geynay sanadkii 2011 kii.markaa illaa imikana wuu socday ,shirkado aan jirin oo dulsaar nalagaga dhigay iyo qaar nalagu jujuubay midna ma jirto imikaba shirkado kale oo shidaalka keena ayaa jira oo lixdayada midawgoodii ka dib samaysmay qaar kalena way iman doonaan,cid kasta oo shidaal keenta oo sharci u haysataana Haamaha way ku shubanaysaa sida ay imikaba ugu shubtaan, waxbana kama jiraan in shirkadaha iyo Xukuumadda cidi u dhaxaysay oo dillaal nalagaga qaatay wiil soddog loo yahay iyo mid seeddi loo yahay toona maanu arag waxna nagama dhexeeyaan ee dad ganacsato ah oo siyaasad ka madaxbannaan oo weelkii qaranka ee ay wax ku shubanayeen oo dayacan bad baadinaya ayaanu nahay,waanan hubaa haddii ay Mucaaridku joogi lahaayeen in ay nagu wareejin lahaayeen imikana ku xumayn dawladda ay ku xumaynayaan ayay sidaa u yeeylaan iyo danahooda gaarka ah ee dan qaran ma wadaan,malha waxay is leeyihiin doorashoyinka ka dib haddii aad xilka ku soo baxdaan aad idinku ka kiraysaan. Haddii aanay doonaynba in ay Haamuhu baa ba,aan oo ay qaar shaqsiyaad leeyihiiin ay samaystaan ”
By:Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply