Dardaarankii Wanaagsanaa

0
402

Wiilkaygiiyo baro Quraanka, oo ha ilaabin, qiyaamahana wuu kuu doodi. Kula fadhiiso Culimada  Caqligaaga, Madaxdana Cilmigaaga, saaxiibadanaa akhlaaqdaada, Qoyskiinana naxariistaada, dadka xuna dulqaadkaaga, Allahna (sw) Basidiisa.  Noloshu waa sida ubaxa oo leh qurux aan jeclaysano iyo qodax aan dhibsano. Iska jir inaad ceebaha dadka baadh baadho.
Kuwa xikmadi lehi waa kuwa caqliga leh, maaha kuwa da’da weyn. Da’adu waa maalmaha tiradooda, laakiin caqligu waa fahamka iyo sida nolosha loogu qancay. Qof kastaa xanuunka nolosha wuu ka cabanayaa laakiin adigu ma ogid. Shay kasta waa yaraada hadii laba loo qaybiyo ilaa saacadada mooyee, wanaagu marka la qaybiyo wuu kordhaa.  Sifada dhamaystirka ma jirto cid leh oo aan Allah (sw) ahayn.
 
 

Leave a Reply