Waa Maxay Dullucda Socdaalka Wasiirka Duulista Ee Magaaladda Laascaanood?

0
351

Laascaanood (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dawladda hoose ee Laascaanood ku wareejiyay Gaadhi Dab-damis ah oo ka qayb qaadan doona gurmadka masiibada dabka iyo gaadhi uu yeelan doono isuduwaha Wasaaradda Duulista ee gobolka Sool.
Waxaa kale oo uu Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi isla shalay dhagax dhigay Terminal Casri ah oo loo dhisayo garoonka diyaadaraha ee Magalada Laascaanood.
Weftiga Wasiir Maxamuud Xaashi uu hoggaaminayo oo ay ka mdi yihii Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa kale oo ay kulammo la yeesheen madaxda laamaha dawladda ee heer gobol iyo degmo ee Gobolka Sool iyo degmada Laascaanood, waxaanay iska waraysteen waxyaabaha maamulka gobolka u qabsoomay iyo dar dar galinta hawlaha shaqo ee ay masuuliyiinta Sool iyo kuwa degmada Laascaanood qaranka u hayaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply