Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Faray Garsoorayaasha in ay Dacwadaha Dedejiyaan

0
360

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ugu baaqay garsoorayaasha maxkamadaha dalka inay dedejiyaan dacwadaha ay gacanta ku hayaan, si fiicanna ugu shaqeeyaan ummadda si caddaaladdu u hirgasho.
 
Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo hadal ka jeediyey furitaanka tababar loo qabtay qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka shalay, waxa kaloo uu ka dalbay hay’adaha tababara garsoora ka in aanay tababarrada iska qoran, balse hay’adaha caddaaladda waydiiyaan nooca tababar ee ay u baahan yihiin si aan kuwo hore loo qaatay loogu celcelin, isagoo sidoo kale tilmaamay in bahda garsoorka looga baahan yahay takhasusaas gaar ah oo ay yeeshaan.
“Arrinta aan mar walba idinku adkaynayaa waxa weeye in ummadda loo shaqeeyo oo saacadihii shaqada ayeynnu xataa wax ka beddelnay, imminka garsoorka oo dhan, maxkamadaha dalka oo dhan 7:30 subaxnimo ayaa shaqada la galaa, waxana la shaqeeyaa ilaa 2:00 duhurnimo. Way hirgalaysaa, waanay soconaysaa, waana in aynnu dadka u shaqaynaa.
Dacwaduhu waa in ay degdegaan, qofka xukunkiisu waxa uu doono ha noqdo, bal hadduu sannad ku sugo ka warran? Wuu kugu dul bakhtiyey,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Qaranka, ayaa sidoo kale kula dardaarmay garsoorayaasha inay yeeshaan takhasus sharci a ama garsoore walba loogu dhiibo dacwad takhasuskiisa ah, “Tababarradu way soconayaan oo waliba tababarradu si aanay sidii hore wax aan macno u lahayn u noqon laba istaraatiji ayeynu raacaynnaa; qofku waa inuu tababarradiisii hore ogaado oo la yidhaa tababar hore maxaad qaadatay oo faylka ugu jirto, kadibna aan loo dirin tababar uu hore u qaatay iyo in ay takhasusaad yeeshaan, imminkana waxaannu ka codsannay dhammaan hay’adaha wax tababara oo dhan inay joojiyaan tababarka ay iyagu iska soo qoranayaan, laakiin annaga na waydiiyaan, dabadeedna aan garsoorayaasha takhasus u kala samayno oo qaarba wax la baro si dacwadaha loogu diro oo la yidhaa idinku tababarkaas ayaad qaadateen, garsoorayaashaas ayaana arrimahaas gelaya, dacwadaha noocaas ah iyagaa ka garnaqaya, waana in dhinacaas laga eego, taasaanan xagga tababarrada u soo jeedinayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply