Kooxaha Baadhitaanada Ataarta Ruushka Oo Helay Lafta Lugtii Ugu Weynayd Ee Lafteeda La Helo Abid

0
292

khubarada dalkaasi Ruushka u qaabilsan baadhitaanada waxyaalaha taariikhiga ah ayaa helay markii ugu horeysay lafo la helo kuwii ugu weynaa ee abid la helo,kuwaas oo la sheegay inuu yahay xayawaan muddo haatan laga joogo waqti dheer noolaa da’diisana lagu sheegay inay tahay 550,000 sanno.
khubaradan ayaa isugu jirtay kuwo u dhashay wadanka Ruushka,Chine iyo Ingiriiska,kuwaas oo uu hogaaminaayo khabiir ka shaqeeya jaamacadda Juravlov of Moscow University,laguna  magcaabo  Adre Aavantsov,waxaana lafahan laga helay aagaga May iyo wobaiga lagu magcaabo Yudum River ee gobolka Yakutsk ee dalkaasi Ruushka oo caan ku ahaa xayawaanada kala duwan.
khabiirka hogaaminaayey khubaradan baadhitaanada waday ayaa sheegay in laftan ay heleen muujisay inay jirtay da’ahaan 550,000 sanno,taas oo horseedi karta ayuu yidhi in dhacdooyinka cusub ee Sayniska lagu daro,isaga oo intaas raaciyey in laf intan la eg aan la heli karin ama ay adag tahay in la helaa.
khabiirkan ayaa sheegay in qol foofka laftan ay heleen uu la mid yahay kuwo ay hore uga helen wadamada Chine iyo Namibia.
laftan ayaa noqotay tii ugu weynayd ee la helo ,iyada oo loo diray masxaf ku yaala magaalada Moscow si loogu baadho.
 
 


 

Leave a Reply