Jaamacaddaha Iyo Collegeyada Wadanka Japan Oo Laga Mamnuucay Dhigashada Cilmiga Arrimaha Bulshada Iyo Bani'aadanimada

0
404

Jaamacaddaha iyo College yada wadanka Japan ayaa laga mamnuucay laguna soo rogay inay yareeyaan dhigista cilmiga Bulshada iyo sidoo kale waxyaalaha ku saabsan bani’aadanimada oo hore loogu dhigi jiray jaamacadahaasi iyo College-yada wadankaasi.
warkan ayaa lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Time Newspaper of America ee kasoo baxa wadanka Maraykanka,waxaana sharcigan lagu soo rogay ilaa 20 jaaacaddoo iyo College oo ku yaala wadanka Japan,kuwaas oo hore u dhigi jiray.
waaxyaha wadanka Japan u qaabilsan waxbarashada ayaa go’aankan soo saaray ,iyaga oo doonaaya inay ku bedelaan waxyaalo ay sheegeen inay dan u yihiin wadanka Japan oo faa’ido kusoo kordhiya ,gaar ahaana dhinaca horumarka.
sidoo kale warbixin lagu qoray Wargeyska lagu magcaabo Times Higher Edication ayaa lagu sheegay in dalabkan iyo amarkan lagu soo rogay 20 kan jaamacaddood iyo College 8 bishii June,waxa kale oo iyagana loo gudbiyey ayaa warbixintan lagu yidhi ilaa 60 maxad oo kuwa waxbarashada ee wadankaasi Japan ah,taasna uu amray wasiirka waxbarashada wadanka Japan.
17 jaamacaddood oo wadankaasi ah ayaa sheegay inay joojinayaan dhigista maadooyinkan halka ay laba jaamacaddood oo kala ah University of Tokyo iyo University of Kyoto ayaa iyaguna sheegay in aanay ogolaanayn cadaadiskan dawlada kaga imanaaya.
go’aankan dawlada dalkaasi Japan ayaa laga yaabaa inay ardayda iyo macalimiinta dalkaasi kala kulmaan mudoharaadyo iyo ficilo ay kaga horyimaadaan joojinta maadooyinkan.
sidoo kale waraaq ay soo saareen Saynisyahanada wadanka Japan ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay ku dedaalaan horumarinta cilmiga kala duwan ee wadankaasi ,iyaga oo aan meesha ka saarayn dhigista cilmiyadan dawladu joojisay,waxaanay dawlada usoo jeediyeen inay go’aankaasi ka noqoto.

Leave a Reply