Madaxweynihii Burkina Faso oo la Sii Daayay

0
331

Madaxda golaha xukuma Burkino Faso ee afgambiga ku qabsaday maalin ka hor awoodda dalkaasi Gilbert Diendere , ayaa sheegay in ay sii daayeen madaxweynihii dalkaasi oo ay laba cisho haysteen.
Laakin saraaakiisha ma sheegin halka uu ku dambeeyay R/wasaarihii talada laga qaaday., waxase la sheegayaa in la geliyay xabsi guri.
Madaxweynaha iyo laba wasiir ayay sheegeen inay sii daayen waxaanay tilmaameen saraakiisha afgambigu in ujeedada loo sii daayay ay tahay in la dejiyo xiisadda taagan.
Madaxa afgambiga Burkina Faso, Jeneraal Diendere, ayaa sheegay inay afgembigaasi u sameeyeen sababtoo ah ka dib markii  nidaamka siyaasadda waddankiisa uu noqdey mid dhinac u jan jeedha.
Burkina Faso, ayaa la rajeynayay inay doorashooyin baarlamaan iyo kuwa madaxtinnimo ay ka dhacaan 11 October, hasa yeeshee hadda ma cadda in taasi ay dhici doonto.
Saddax ruux ayaa dhintay kadib markii dad dibadxayo rabshada wata ay isugu soo baxeen caasimadda Ouagadougou. Dadka dibad baxyada dhigayay oo isugu soo baxay meel u dhow xarrunta madaxtooyada, ayaa ka hor jeeday tallaabada Meleteriga uu qaaday
 

Leave a Reply