Mareykanka & Ruushka oo ka Wadahadlaya Arimaha Suuriya

0
411

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in Militariga Ruushka iyo Mareykanku ay dhawaan ka wadahadlayaan arrimaha Suuriya.
Ruushka oo hore u soo jeediyay wadahadalo nooca ah in la yeesho ayaa sheegay in uu wadaxaajood diyaar u yahay.
Todobaadyadii ugu danbeeyay Mr. Kerry ayaa sheegay in uu aad uga welwelsan yahay wararka la xidhiidha in uu Ruushku dardargaliyay taageeradiisa xagga militariga ee uu siinayo madaxweynaha wadanka Suuriya Bashar Al Assad oo si isdaba joog ah sanadkan ciidamadiisa loo jabiyay.
Ruushka ayaa beeneeyay wararka soo noqnoqday ee sheegaya in uu Ruushka ciidamo geeyay dalka Suuriya, hase ahaatee hadda waxaa uu Ruushku sheegay in ay tixgalinayaa codsi kasta oo ay xukuumadda Suuriya ay soo jeedisay.

Leave a Reply