Cajiib!!! Nin Shirkad Weyn Ka Abuuray Hadhaaga Qashinka Kafayga

0
525

Mararka qaarkood fikradaha ugu fiican ee ganacsiga waxay ku qarsoonyihiin meel aan laga filayn. Taariikhda shirkada bio-bean oo ka dhisan wadanka UK ayaa ah mid xiiso leh oo soo bilaabatay sanadkii 2013, ka dib markii ninka abuuray oo lagu magacaabo Arthur Kay uu dareemay in loo baahanyahay in wax laga qabto qashinka ka hara kafeyga.
Fikrada Arthur Kay ayaa ah mid faa’iido badan oo dhinacyo badan taabanaya leh. Waxa uu guud ahaan magaalada London ka soo ururiyaa haraaga qashinka kafeyga, isagoo ka dibna geeya warshadiisa oo ku taala Cambridgeshire halkaasoo qashinka loo badalo labo wax-soo-saar oo kala ah shidaalka (biofuels) iyo dhuxusha.
Shirkada ayaa waxaa hada ka shaqeeya 20 qof oo ay ku jiraan quburo ku taqasustay dib u isticmaalka qashinka (recycling). Shirkadaan ayaa bilaash uga soo qaada qashinka maqaayadaha ku yaala London, iyagoo ka dibna ubadala wax-soo-saar ay lacag badan ku iibin karaan. Fikradaha ganacisga ee nuucaan ah ayaa ah kuwo faa’iido weyn u leh xafidaada deegaanka isla markaana faa’iido dhaqaale u leh dadka soo saaray.
Shirkada bio-bean ayaa lagu maalgashaday lacag ka badan 2£ milyan. Arthur ayaa sheegay in fikradiisu ay u muuqato mid fudud balse fulinteedu ay ku noqotay mid dhib badan, maadaama loo baahanyahay warshado casri ah oo fulin-kara shaqada iyo adeeg balaaran oo lagu soo ururinayo qashinka kafeyga.
Hadaba haddii aad doonayso fikrad ganacsi, sidee ayaad uga faa’ideysan kartaa haraaga tirada badan ee bani’aadamku ay sameeyaan? adigoo sidaa ku xafidaha deegaanka. Waxaad fikrado ka heli kartaa haraaga cuntada, dharka, birta, iwm.
 

Leave a Reply