Badhasaabka Togdheer Oo ka Hadlay Khasaare Ka Dhashay Roob Ka Da’ay Burco

0
299

Hargeysa ( Dawan)-  Gudoomiyaha gobolka Togdheer  Maxamad  Muuse Diiriye ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay roobab mahiigan ah oo habeen hore  ka da’ay magaalada Burco iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer waxa kale oo uu dhaliilay qaar ka mid ah Salaadiinta iyo madaxdhaqameedka reer Somaliland, kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay telefiishaada caytamaan isla markaan ay iskaga hadlaan waxa ay doonaan, isla markaana ka leexday wixii loo doortay waxaanu yidhi “Waxa aad is odhanaysaa waxba iidiinma hadhsana marka Suldaankii waxa uu doono ku hadlo oo siyaasigii waxa uu doono ku hadlo ee ay caytamaan ee wixii reerku u doortay ee cumaamada u saaray ka leexdaan, ee waxa uu doono ku hadlo oo godob ka galo dawlada iyo reerkaba. Waxa aan leeyahay waar wax  iskula hadha  guud ahaan Salaadiinta Somaliland ku soo celiya magacii uu lahaa meeqamka Salaadiintu lahaan jirtay soo celiya.”

 

Maxamed Muuse Diiriye waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa aan garanayaa Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Cabdillaahi oo  guryahooda marka ay ka baxayaan laga raaco oo maqaaxi walba aan fadhiisan ee fadhiista meel u gaara oo maqaaxiyaha kumay  cabi jirin shaaha saldanadu taas ayay  ahayd.”

Gudoomiyaha gobolka Togdheer  waxa kale oo uu ka hadlay roob khasaare dhaliyay oo ka da’ay Burco, waxaanu yidhi “Roobab culus oo Mahiigaan ah  ayaa ka da’ay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana la yidhi nimco waliba nusqaan leh, barwaaqada la sugaayayna kolay dhibaato ayay keenaysaa, laba qof ayaa ku dhintay oo midi yahay Wiil, qofka  kalena yahay  haweenay hooyo ah,  sidoo kalana waxa ku dhaawacmay 11 qof oo kale, waxaana dumay oo roobkii mahiigaanka ahaa ee   da’ay uu dumiyay 200 oo guri oo kuwo dawladeed iyo kuwa shiciba isugu jira.”

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu intaa mu daray “Waxaana loo baahan yahay uun in ALLA la baryo  waxaa lagu ducaysan jiray uun ILLAAHAW nimcadaada nusqaanteeda naga ilaali oo waxaan Ha’yadaha  u soo gurmada oo noo soo yaacada aynu hayno aynu iska dayno.  oo dadkuna ha ogaadeen in ILLAAHAY uun gurmad looga baahan yahay waayo dadkii hore ILLAAHAY ayay isku xidhi jireen oo waa ay noolaan jireen marka waxaan leeyahay ILLAAHAY isku xidha dadka roobku tabaaleeyay.”

“Nimco ballaadhan ayaa gobolka iyo magaalada Burcoba ka dhacday, oo birihi  laydhka oo dhami waa ay daateen marka waxaan leeyahay qolada laydhka lehna laydhkiina dhulka hoostiisa mariya,”ayuu yidhi  Maxamad  Muuse Diiriye, waxaanu sheegay inay si weyn  ugu diyaar garoobeen koobka gobolada dalka oo dhawaan la qaban doono rajo weyna ayka qaban inay guulaystaan gobol ahaan.

By : Khadar Maxamad Xaashi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply