Maxaabiis Ka Baxsaday Xabsiga Laascaanood iyo Maxbuus Ku Dhintay Rasaas Ay Ciidamadu Fureen

0
273

Laascaanood (Dawan): Lix iyo toban maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku xidhan xabsiga magaalada Laascaanood ayaa  ka baxsaday xabsiga, ka dib markii sida la sheegay ay gacan ka heleen askartii xabsiga ilaalinaysay.

Dhacdadaasi oo habeen hore ka dhacday xabisga Laascaanood ayaa la sheegay in ay ka danbeeyeen askartii jeelka ilaalinaysay  oo xabsiga ka sii daayay saddex maxbuus oo ay isku beel ahaayeen, kuwaasi oo u xidhnaa fal-danbiyeed la xidhiidhay  dagaal dhawaan laba beelood dhexmaray.

 Sida uu sheegay taliyaha ciidamadda asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun oo shalay u waramay BBC, waxa uu tilmaamay in dhacdadaasi ay timid Ka dib taliyihii xabsiga markii uu ka war helay in maxaabiis la siidaayay, oo isku deyay in uu tiriyo maxaabiista isla markaana  banaanka u soo saaray  in ay  xoog ku jiidheen maxaabiistii, iyadoo hadana halkaasi ay ka baxsadeen 12 maxbuus oo kale.

Waxa uu tilmaamay Xudhuun in Rasaas ay ciidamadu fureen   hal maxbuus uu ku geeriyooday halka   afar ka tirsanaa askarta jeelka ay  ku dhaawacmeen. Isagoo xusay in ay ka ciidan ahaan dhacdadaasi   guddi saraakiil ah oo soo baadha   u dirayaan.

 

Taliye Xudhuun,  oo faahfaahin ka bixinayay  sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi “Xalay (habeen-hore), markii ay saacadu ahayd afartii habeenino ayaa lala baxay maxaabiistaasi,  oo ay la baxeen nimankii ciidanka ahaa ee xabsiga ilaalinayay.  saddex nin oo u xidhnaa  fal-danbiyeed laba beelood oo dhawaan dagaalamay ayay ahaayeen.  Joornaatigii iyo askarigii furaha xabsiga hayay ayaa la baxay oo caawiyay, iyagiina way raaceen.”

“Ka dib markii intaa lala baxay ayaa taliyihii haystay xabsiga ayaa shantii iyo badhkii habeenimo yimid, wuxuu is yidhi   tiri  inta baxsatay maxaabiista iyo inta joogta inuu eego, ka dib wuu soodaayay, banaanka ayuu keenay, xoog ayaanay ku jiidheen maxaabiistii taliyihii xabsiga, ku xigeenkiisii yo xisaabiyihii afar ayaa dhaawacmay iyo Arasaynkii ayaa dhaawacmay, xoog ayaanay ku jiidheen, nin maxbuus ahaana  wuu dhintay”.

Wuxuu sheegay Xudhuun in rasaasta dhimashadda iyo dhaawaca keentay ay rideen ciidamadu kadib markii ay maxaabiistu xoog ku jiidheen. Isagoo u sibir-saaray dhacdadani in ay la xidhiidho arrimo beeleed.   “Rasaasta askarta ayaa riday, markii la jiidhay.  12 ayaa hadana markaa  ka baxsaday xabsigii. Waa 16 inta baxsatay, ninka dhintay isna maxbuus ayuu ahaa, ciidanka ayuu ka tirsanaa, xabsiga dhexdiisa ayaa laga qaaday maydkiisii. Waa arrin beeleed, ma aha askar.  askartu way caawiyeen, beel ahaan ayaanay u caawiyeen, waana la laaluushay, oo lacag baa la siiyay, ayaan  u malaynayaa.  markaa sidaas ayay u raaceen, askartii iyaguna way  raaceen”.

Wuxuu intaasi ku daray Xudhuun inay hore u dhacday in sidan oo kale maxaabiis loogalla baxay xabsiga Laascaanood, isla markaana ay isku deyeen inay xoojiyaan amaanka jeelka, hase yeeshee  ciidanka laftooda aan lagu kalsoonaan Karin oo ay maxaabiista heshiis la yihiin.

Sareeye guuto Xudhuun, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinkii hore ay isaga ka horeeyeen, isla markaana uu isagu hadda arrimahaasi wax ka qabanaya.

 

Waxaanu yidhi “Horena way u dhacday oo sidan ayay xabsiga ugala baxeen, waanu isku daynay in aanu xoojino amaanka xabsiga, laakiin ciidanka laftiisa ayaan hagaagsanayn  oo la duufsanayaa, oo maxaabiista ayay heshiis la yihiin.

 tii hore way iga horaysay, laakiin hadda ayaan wax ka qabanayaa, tana anigoo qaban-qaabadii ku jira ayay dhacday, askartaa in la soo bedelo, oo askar kale la geeyo”.

 

Isagoo ka waramayay tirade askarta maxaabiista la baxsaay ee raacay iyo halka ay tegeen, iyo tallaabadda ay qaadayaan,  waxa uu yidhi “Laba askari ayaa naga raacay, sida la ii sheegay waxay tegeen Saaxdheer, guddi ayaan u dirayaa, xabsigiina waxaa hadda gacanta ku haya, ciidamada booliska iyo mlateriga, aniguna hadda guddi saraakiil ah ayaan u dirayaa”.

By: Khadar C.Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply