TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

0
333

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Waayeelka, Waxgaradka, Madaxdhaqameedka Aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Cali Maxamed Geedi (Cali Ardo) oo ku geeriyooday 21/09/2015, Degmada war-idaad  oo ka tirsan Gobolka Saraar.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqan oo ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, in badana ka soo shaqeeyey nabad kuwada noolanshaha shacbiga Somaliland, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka ugu da’a weyn dalka.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, Madaxdhaqameedka Aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply