Wasiirada Midowga Yurub oo Ansixiyay Qorshaha Kooto ee lagu Muransanyay

0
292

Wasiirada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub  ayaa ansixiyay qorshe leysku maandhaafsan yahay  ee loogu qoondeynayo  120,000 oo muhaajiriin ah qaarada oo dhan labada sano ee soo socda.
Waxa qaxootiga laga soo qaadayaa dalalka Italy, Greece iyo  Hungary iyada oo la geynayo dalal kale oo Yurub ah.
Romaniya, Czech Republic, Slovakia iyo  Hungary ayaa ka codeeyay in ay aqbalaan kootada qasabka ah.
Kadib codeynta ayaa ra’iisulwasaaraha Slovakiya sheegay in aanu aqbali doonin kooto cusub.
Finland ayaa iyadu ka aamustey codeynta. Halka  Poland, oo iyadu ka soo horjeeday soo jeedinta ay u codeysay.
Kulanka, ayaa imanaya iyadoo baarlamaanka Yurub uu hindisahaasi ansixiyay toddobaadkii tagay. Waddamaada bariga Yurub, ayaa sheegay inaysan qorshahaasi qaadan doonin.
Hay’adda Q.M. u qaabilsan qaxootiga, ayaa aaminsan in wada hadallkan uu noqon karo fursaddii ugu dambeysay ee dalalkan xal wada jir ah ugu helaan qul qulka soo galootiga ka soo baxsanaya colaaadaha dalalkooda.
Qaxootiga Yurub gaadhaya, ayaa ugu badan kuwa ka imaanaya waddanka Siiriya.

Leave a Reply