Lacago badan ayaa loo balanqaadayaa lacago loo uruurinayo si loogu bixiyo barnaamijyada cusub, ee Hiigsiga Caalamiga ee Qaramada Midoobay (UN Global Goals). Waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka saboolka ee adduunka shan iyo tobanka sanno ee soo socda, iyo in wax laga qabto cudurada iyo cimilada isbadalaysa.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa balanqaaday laba bilyan oo dollar oo lacag gargaar cusub ah, iyo in ay cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin waddamada ugu saboolsan, gaar ahaan waddamada jasiiradaha ee u nugul cimilada kululaanaysa.
Mid kamid ah dadka ugu lacagta badan adduunka, Bill Gates oo aasaasay Microsoft, ayaa BBC u sheegay in hayadiisa gargaar ay door wayn ka qaadan doonto howlaha horumarinta.
Laakiin Mr Gates wuxuu sheegay in la hirgaliyo 17-ka hiigsiyada cusub gaar ahaan isbadalka cimilada inay adkaan doonto.
“Waa inaan taxadarnaa dowladahana waxay wax ka qaban doonaan waxa dadkoodu rabo. Waqti gudahiis waxay noqon doonaan waxa dadka waddanka ay rabaan, marka ma noqon doonto wax fudud.”
Madaxweynayaal, iyo Ra’iisalwasaarayaal ayaa ka hadli doona maalinta ugu danbaysa ee shirka caalamiga.
Obama iyo David Cameron ayaa ka mid ah madaxda hiigsiyadan taageeri doona, waxayna sheegi doonaan waxay ku caawinayaan.