Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Shaqo Ugu Amba Baxay Ireland Xiisaha Kulankii Kediska Ahaa Ee Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Daahir Rayaalle

0
316

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland.
 
Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkiisa, iyo waxyaabaha ay kala hadli doonaan madaxda dalka Ireland mudada ay halkaasi joogi doonaan.
 
Madaxweynaha Somaliland oo warbixin kooban warbaahinta ku siiyay qolka VIP-da ee Madaarka Hargeysa waxa uu yidhi  “Waxaan jecelahay in aan faahfaahin kooban idinka siiyo socdaal rasmi ah oo aan maanta (shalay)  ugu ambabaxayo wadanka IRELAND oo aan ku tegayo booqosho rasmiya. Waxaanan kulamo aniga iyo weftiga ila socdaa aan la yeelan doonaa hadii ALLE idmo madaxweynaha IRELAND iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan isla wadankaasi.”
 
Madaxweynuhu waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu kala hadli doonaa qadiyada Somaliland iyo sidii loo sii xoojinta lahaa xidhiidhka labada wadan, Isla markaana waxaanu u bandhigi doonaa aragtida qaranka Somaliland ee ku wajahan xaqa shacabka Somaliland ay u leeyihiin dawladnimadooda oo muddo dheer dhinac-dhaqaale, degenaansho, siyaasadeed, iyo dawladnimo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen, una baahan yihiin in gacan laga siiyo hawlahaasi ay ku mashquulsan yihiin dawlada iyo shacbiga Somaliland.”
 
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay “Socdaalkani wuxuu ka mid yahay socdaaladii aan horeba ugu tegi jiray wadamada caalamka si aan ugu bandhigo, uguna qanciyo beesha caalamka waxa ay mudan tahay Somaliland in laga yeelo.Waxaanan sii mari-doonaa Imaaraadka Carabta ka dibna waxa aanu uga sii gudbi doono Ireland. Shacbiga Somaliland waxaan ku waaninayaa in sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen nabadgelyada qaranka ay sii xoojiyaan.”
 
Madaxweynaha waxa safarkiisa shaqo ku wehelinaayey Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Cali Axmed Cali.
 
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay ku kulmeen qolka Martida ee Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport Madaweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan oo ay weftiga madaxweynaha Qaranka isku Diyaarad ka raaceen Hargeysa, iskuna salaameen  halkaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply