Khataraha Caafimaad Ee Ay Leeyihiin Kabaha Cidhbaha Dhaadheer Ee Dumarku Xidhaan

0
564

Waxa aynu maqaalkan ku eegidoonaa khatarta caafimaad ee ay kabaha cidhibta dheer leeyihiin
waxa la gaaday in khataraha caafimaad in dumarka casrigan jogaa ay aad u jecelyihiin inay xidhaan kabo cidhib dheer leh, iyaga oo markaa ay u weheliso inay kala kulmaan kabahaa xanuuno badan. oo ay ku keenaan intooda badana ay guryahooda ku noqdaan iyaga oo cagga cad.
waxa kale oo la ogaaday in kastoo ay dumarku ka helaan xaraggo badan isla markaana ay isku dheereeyaan, kabaha cidhibta dheer gaar ahaan wakhtiyada ay xafalada tagayaan, iyagoo markaa u muuqda inay diyaar u yihiin inay xamilaan xanuunka badan ee ay ku sameeyaan kabahaasi, ayaa hadana intooda badani ay ku soo noqdaan guryahooda iyagoo kabaha aan xidhnayn.
waxa kaloo la soo saaray in 73% dumarka xidha kabaha cidhibta dheeri marka ay xafladaha tagayaan inay ku soo noqdaan guryahooda iyaga oo gacamahooda ku sita kabhooda, tijaabo laga qaaday 1000 haweena oo da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 40 jir ayaa waxa ay sheegtay in haweenka 89% ay sheegeen inay iska dayndoonin inay xidhaan kabaha cidhibta dheer, halka 80% ay sheegeenba inay xidhandoonaan xitaa haddii ay 60jir noqdaan.
waxa kale oo la ogaaday in dumarka iibsada kabaha cidhibta dheer badankoodu ay ku fikiraan inay iibsadaan kaba kale oo cidhib yar oo ay shandad ay ku sii qaataan, isla markaan ay soo xidhaan inta ay dhexda ku soo jiraan marka ay yimaadaan xafladiihiina ay u qaataan kabaha cidhibta dheer leh
dhanka kale barta dhibka ugu weyni kataagan yahay oo dhibatooyin la xidhiidha dhinaca kalyahay oo ay dhib badan ku hayaa kabahaasi ayaa anda habalaha da’doodu intaa u dhaxaysaa ay iska indha tiraan dhibka ku iman kara kalyahooda.
Xigasho
 

Leave a Reply