Talyaaniga oo soo Badbaadiyey Muhaajiriin Kun ka Badan

0
448

Dalka Talyaaniga ayaa isniintii soo bad-baadiyay muhaajiriin gaadhaya 1,151 qof oo ka mid ah tahriibayaasha ku soo qul-qulaya qaaradda Yurub.
Dadkaasi ayaa waxaa ku  jira haween iyo carruur badan, waxaana laga soo daad gureeyey jasiiradaha Lambaduzza iyo Pazalo ee Talyaaniga.
Dhinaca kale Gollaha Midowga Yurub ayaa sheegay in ay dhowaan billaabi doonaan wajjigii labaad ee howlgaladda ciidanka Midowga Yurub ee badda Meditareeniyaanka.
Howlgalkan cusub, ayaa waxaa loogu magac dari doonaa “Safiya” oo ah inan yar oo Soomaaliyeed oo ku dhalatay Markab laga leeyahay Jarmalka oo soo bad-baadiyay tahriibayaal ay ka mid ahayd hooyada dhashay Safiya oo iyaduna Soomaali ah.
 

Leave a Reply