Isra'iil oo Duqeysay Marinka Qaza

0
474

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa shalay subax duqeyn xaga cirka ah ka geystay Marinka Gaza, iyagoo sheegay in ay ka jawaabayaan gantaal laga soo ganay halkaasi oo ku dhacay gudaha Israa’iil.
Goobjoogayaal ku sugan Gaza ayaa sheegay in duqeymaha qaar lagu bartilmaameedsaday xarumo ay Xamaas leedahay oo ku yaalla Gaza.
Ma jirto cid sheegatay in ay mas’uul ka tahay gantaallada laga riday Gaza, oo ay Israa’iil sheegtay in laga hortagay oo hawada lagu burburiyay.
Ururka Xamaas ayaa sheegay inay faaruqiyeen xarumahooda iyagoo ka cabsi qabay weerar uga yimaada Israa’iil kaddib markii gantaal laga riday Gaza uu ku dhacay Israa’iil.
Duqeynta ayaa ku soo beegmeysa xilli la filayay in shalay calanka Falstiiniyiinta laga qotomiyo barxadda hore ee Qaramada Midoobay kaddib markii xubnaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay u codeeyeen in calanka Falastiiniyiinta la garab suro calamada dowladaha la aqoonsan yahay.
Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa tallaabada calanka  ku tilmaamay mid horumar weyn u ah “halgankooda”.
 
 

Leave a Reply