‘Waa Reer Xun, Waxay Inoo Yimaadaan Markay Hanti Inagu Arkaan’

0
458

Waxa la sheegay in nin xakiim ah oo  muslin ah ay maalin gabadhiisu ku tidhi “ Maan arag reerkiina dad ka xun! Waxaana uu weydiiyay sababta? Waxay ku jawaabtay “ Waxay inoo yimaadaan marka aan xoolo haysano, markaan faqiir noqono inooma yimaadaan.!
Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa “Taasi waa akhlaaqda wanaagsan, way inoo imanayaan markaan wax  tari  karno, waana ay inaga maqnaanayaan marka aynaan awood u lahayn waxtarkooda”  Sidaasi ayuu qofka akhlaaqda wanaagsani dhinaca fiican wax uga arkaa. Dhaqanka ay gabadhu u aragtay xumaanta wuxu ugu muuqday inay isaga u naxariisanayaan. Wanaaji Malaha aad ka qabto qoyskiina iyo asxaabtaada oo u cudur daar markasta.

Leave a Reply