Saamaynta Dhaqaalaha Waddamada soo Koraya

0
627

Madaxa Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF, Christine Lagarde ayaa ka digtay inay jiraan sababo looga walaaco xaalada dhaqaalaha adduunka.
Waxay sheegtay, in waddamada dhaqaalahooda uu soo korayo ay u eg tahay inay gali doonaan sanadkoodii shanaad ee hoos u dhaca dhaqaalaha, ayna jiri doonto oo keliya horumar yar sanadka 2016.
Ms Lagarde ayaa sheegtay in labada wax ee maraykanka oo kordhinaya dulsaarka, iyo dhaqaalaha Shiinaha oo hoos u dhacaya ay keentay hubaal la’aanta iyo isbadal badan suuqyada.
Laakiin waxay sheegtay in dhaqaalaha uu kordhayo Yurub, Japan, US iyo Britain.
 

Leave a Reply