Xamaasadda Tartanka Ciyaaraha Gobollada Oo Galabta Ka Kala Furmaya Boorame & Burco Iyo Badhaadhaha Wasiirka Ciyaaraha

0
789

Burco (Dawan): Tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa  maanta gelinka dambe  si rasmi ah uga kala  furmaya magaalooyinka Boorame iyo Burco, iyadoo la qorsheeyay in wareegyadda hore ay todoba gobol ku ciyaaraan magaaladda Burco, 7 kalena magaaladda Boorame.Waxaanay afarta gobol ee isugu soo baxaa  wareega afaraad ay ciyaarahoodda ku yeelan doonaan caasimadda Hargeysa. 
Tartanka ciyaaraha oo ay sannadkan waxaa ka qayb gelaya 14-ka gobol.
Tartankan  ciyaaraha goboladda Somaliland ee  maanta gelinka dambe ka bilaabmaya magaaladda Boorama  waxaa furi doona  Wasiir ku xigeenka wasaaradda ciyaaraha Yuusuf Cismaan  Garas. Halka kuwa ka dhacaya   Burco uu furi doono Wasiirka wasaaradda ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin.
 
Boorama waxaa  ku wada ciyaari doona xulalka gobollada Selel, Gabiley, Awdal, Buuhoodle, Maroodi Jeex,  Saaxil iyo Hawd. Sidoo  kale tartanka Burco ka dhacaya  waxaa  ku wada ciyaari doona todobadda gobol ee  kala ah, Daad-madheedh, Saraar, Sanaag, Xaysimo, Sool, Badhan iyo Tog-dheer.
 
Wasiirka wasaaradda ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Burco, waxa uu  sheegay in hawluhu ay si fiican u socdaan, isla markaana ay maanta gelinka dambe isku mar ciyaaruhu si rasmi ah uga bilaabmayaan magaalooyinka Burco iyo Boorame.
Wasiirku wuxuu tilmaamay  in sannadkan ay tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland ka qayb qaadanayaan 14-gobol, iyadoo tartankani iskugu jiro  Kubadda Cagta, kubadda Kolayga, Orodka  iyo   noocyadda ciyaaraha fudud.
Wasiir Kaahin, waxa uu sheegay in dhammaanba xulalka ka kala socda goboladda in ay wada gaadheen magaalooyinka ay ku kala ciyaarayaan. isagoo ka warbixinayay sida ay socoto qaban qaabadda iyo u diyaar garowga furitaanka ciyaaraha waxa uu yidhi “Way soo wadda gaadheen kooxuhu Burco, oo imika aan aniguba joogo, Booramana way ku sii qul-qulayaan, qaarna way gaadheenba.  si fiican ayay hawluhu u socdaan.”
 
 
Waa  markii u horaysay ee  tartankan ciyaaraha goboladda Somaliland   ay laba gobol ka kala furmaan,  waxaanay sidoo kale  noqonaysaa  markii koowaad ee ay goboladii   ugu badnaa  ka qayb qaataan ciyaaraha.
Wasiirka oo aanu waydiinay in qorshahaasi uu culays dhaqaale iyo mid maamulba ku soo kordhin karro wasaaradda, iyo sida ay uga diyaar garoobeen  dhinaca maamulka gar-sooreyaasha iyo shuruucda ciyaaraha. waxa uu ku jawaabay   “Arrintaasi waa mid looga dan leeyahay in gobollada lagu qabanayo  iyo   gobolada  wada ciyaaraya  ay  tageereyaashu yimaadaan, oo dad kale ay yimaadaan, si dhaqaale uga soo gallo dadka, si wax badan loogu faa’iideeyo bulshadda ku dhaqan goboladda, haddii ay tahay hudheeladda wax laga cunayo, meelaha la seexanayo iyo arrimo kaleba. Culayskii meel keliya ku wada dhacayay wuu kala jabayaa  imika. Kharashka imika ku baxayaana, wuxuu la mid yahay kii markii hore ku baxayay. Wax waliba way noo dhammaystiran yihiin, shuruucda, gar-sooreyaasha iyo dhinacyo kaleba.”.
 
Dhinaca kale, Wasiirka Ciyaaruhu , waxa uu mahadnaq baladhan u jeediyay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Wasiirka maaliyadda,  shaqaalaha iyo hawl-wadeenadda kale ee kala shaqaynaya ciyaaraha. Waxaanu yidhi  “Waxaan ammaan balaadhan  u dirayaa, madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasiirka maaliyadda oo taageerro dhaqaale oo balaadhan  noo geysatay.  Waxa kale oo aan ammaan u dirayaa madaxda iyo masuuliyiinta labadda gobol ee lagu qabanayo ciyaaraha. Waxa kale oo aan Bogaadinayaa  shaqaalaha wasaaradda ciyaaraha, iyo gudidda ila shaqaynaysa. Shaqo wanaagsan ayaana noo socota.”
 
Sidoo kale Axmed Cabdi Kaahin,   ayaa rejo-wanaagsan ka muujiyay in ciyaaruhu ay sidii la qorsheeyay ku dhamaan doonaan, marka laga reebo wixii xagga ALLE  kaga  yimaadda. Waxaanu yidhi  “Waxaan aad ugu rejo weynahay in wax waliba ay sidii loogu tallo-gallay ku dhammaado, marka laga reebo wixii xagga Illaahay ka yimaada.”
Ugu dambayn Wasiirku waxa  uu ka hadlay ciyaartoyga xulka gobolka Sanaag oo shil baabuur galay  iyo xaaladda ciyaartoygii dhaawacu ka soo gaadhay  shilkaasi.  “Xulka gobolka Sanaag shil baabuur ayay maanta (shalay) markii ay soo socdeen ku dhacay, tababarihii kooxda ayaana ku dhaawacmay,   xaaladiisu  way fiican tahay, waanan ku booqday cusbitaalka.  Badhasaabka  gobolka iyo masuuliyiintii kale ee goboladda kale ka kala yimid ayaa u tegay. Meel fiican ayaa la dhigay, si fiican ayaana loo daaweeyay,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Kaahin.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply