Dhallinyarro Hal-abuuray Qaab Cusub Oo Loo Beeri Karo Daaqa Xoolaha

0
414

Hargeysa (Dawan)- Daaq ka mid ah calafka xoolaha nooli ay cunaan oo si casri ah loogu beeray hab Tiknoolaji ah, ayaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland.
Daaqan oo hirgelintiisa ay ikhtiraaceen dhallinyaro aqoonyahan reer Somaliland ah, waxay ka beereen siidhka ama midhaha firilayda Galayda, taas oo iyadoo aan la isticmaalayn carro, qorrax iyo biyo badan toona ku baxday muddo toban maalmood oo keliya, isla markaana ku noqotay dallag ama doog qurux badan oo xooluhu ku cunayaan.
Xaflad Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Deegaanku ku qabteen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen masuuliyiinta wasaaradaha Deegaanka, Beeraha iyo Xoolaha, madax kale iyo marti sharaf tiro badan, ayaa lagu soo bandhigay hirgelinta daaqan cusub iyo farsamada casriga ah ee loo adeegsaday.
Guddoomiyaha kooxda dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ikhtiraacday hal-abuurkan Mr. Cabdiqaadir Muxumed Xasan iyo Axmed Cabdi Qaloonbi oo isagu hal-bawle u ahaa farsamadan cusub, ayaa sharraxay daaqan cusub iyo tallaabooyinka ay u mareen hirgelintiisa oo ka kooban qalab la isugu dheelitirayo hawada, iftiinka iyo biyaha.
“Daaqani waxa uu ka kooban yahay midhaha ama siidhka Gallayda oo loo adeegsaday qalab tiknoolaji ah oo aan carro ama dhul ku baxayn, balse lagu beerayo gobol yar oo ka mid ah caaggaga Jirikaannada Saliidda cuntada, kadibna la dhigayo meel guri hoostii aan Cadceed lahayn, loonna miisaamayo hawada, iftiinka iyo biyaha, dabadeedna waxay ku bilqaysaa laba maalmood, isla markaana waxa uu daaq dhammaystiran ku noqonayaa toddoba casho, iyadoo cimrigiisuna jiri karaya toban maalmood,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Qaloonbi.
Mr. Cabdiqaadir Muxumed Xasan waxa uu si wayn ugu mahadceliyey Wasaaradda Deegaanka, gaar ahaan Wasiir Shukri oo uu sheegay in aanay waxba u suurtogaleen la’aanteed oo ay la garab-istaagtay taageero buuxda iyo dhiirigelinba, taasina ka midho-dhalisay fikirkoodii iyo aqoontooda oo ay kala yimaadeen dalal dibadda ah oo ay wax ka soo barteen.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay faa’iidada ikhtiraacan cusub u leeyahay dalka, gaar ahaan xoolaha nool oo ah khayraadka koowaad oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “In xoolaha calaf loo abuuro sida farsadamadan casriga ah waxay xal u noqonaysaa calaf la’aanta ama daaqa xoolaha ee sii yaraanaya iyo biyo yaraanta, iyadoo keenaysa carro-soo-celinta dhulka sii nabaad-guuraya. Sidaasi darteed, waxaynu u baahannahay in aynu ka faa’iidaysanno cilmigan tiknoolajigan cusub oo lagu baahiyo jaamacadaha, kaas oo fidintiisa iyo dhaqangelintiisa ay hormood ka noqoto Wasaaradda Beeruhu, isla markaana waa in aynu samayno guddi ka shaqaysa oo ka kooban dhammaan dhinacyada arrintani saamaynayso.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa tilmaantay doorkii ay ka qaadatay hirgelinta mashruucan oo ay sheegtay inay wasaarad ahaan soo dhaweeyeen dhallinyaradan oo ay siiyeen dhisme ay kaga shaqeeyaan hirgelinta mashruucan.
“Waxaannu doonaynaa in sidan casrigan ee calafkan loo soo saaray laga faa’iidaysto, mar haddii siidhkii laga beeray ee Gallayda, Heedda iyo kuwii kaleba yaalaan dalkeenna, waxa lagu samaynayo sida caagga jirikaanka la helayo,” ayey tidhi Marwo Shukri.
Waxa kaloo xafladdaasi ka hadlay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Maxamed Faarax, Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah Mr. Maxamed Muuse Cawaale, sarkaal ka socday Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey hirgelinta daaqan cusub iyo muhiimada uu leeyahay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply