Ganacsiyo Aad Abuuri Karto Adiga Oo Haya Shaqooyin Kale

0
383

Haddii aad tahay qof shaqeeya balse ku riyoonaya in aad aasaasto il-dhaqaale oo kale, waxaan halkaan kuugu soo bandhigaynaa 5-ganacsi oo aad abuuri karto waqtigaaga firaaqada. Ganacsigaan ama shaqooyinkaan waxay u baahanyihiin in aad leedahay xirfadooda aqooneed.

  1. Software developer / Qof sameeya barnaamijka kombutarka– Dadka xirfadaan leh ayaa ah kuwo aad loo raadinayo, iyadoo aad shaqadaan qaban karto meelkasta oo caalamka aad ka joogto. Waxaad u baahantahay kombutar internet leh oo keliya. Saacadii waxaad qaadan kartaa ilaa 30$. Waxaad shaqooyinka ka heli kartaa bogaga sida Freelancer.com iyo Upwork.com
  2. Online communicator / Qof qaabilsan xiriirka macaamiisha internetka– Shaqadaan waxay noqon kartaa in aad qoraalo ku qorto websiteyada ama in aad shirkadaha ka caawiso sidii ay macaamiisha internetka ku gaarsiin lahaayeen fariintooda. Shaqadaan waxaad qaban kartaa meelkasta oo aad joogto oo saacadii waxaad qaadan kartaa 25$.
  3. Translator / Turjumaan – Haddii aad tahay qof dhowr luuqadood yaqaana isla markaana ku fiican turjumaada shaqadaan waa mid ku anfacaysa. Waxaad qaadan kartaa shaqooyin ku meel gaar ah oo aad macaamiisha ka caawinayso turjumaada dokumentiyada iyo qoraalada.
  4. Photographer / Sawir qaade – Haddii aad khabiir ku tahay sawir qaadita isla markaana aad taqaano sida sawirada loo qurxiyo adiga oo isticmaalaya barnaamijka kombutarka, waxaad waqtigaaga firaaqada ku shaqayn kartaa sawir qaadista. Waxaad qaadan kartaa saacadii 20$.
  5. Bookkeeper / Xisaabiye – Shaqooyinka xisaabiyaha aad ayay u badanyihiin, iyadoo ay shirkado waaweyn iyo kuwo yaryar intaba u baahanyihiin cid ka caawisa xisaabinta. Waa shaqo aad qaban karta adiga oo kurigaaga jooga ama waxaad booqan kartaa macaamiishaada. Waxaad u baahantahay aqoon la xiriirta xisaabinta (Accounting/Bookkeeping).   Saacadii waxaad qaadan kartaa 19$.

 

Leave a Reply