Maayarka Caasimadda Amar Ku Bixiyay In Suuqyadda Laga Ururiyo Bicihii La Mamnuucay

0
340

Hargeysa (Dawan)- Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah 5/10/2015-ka  si toos ah loo soo afjari-doono isticmaalka bacaha iyada oo la raacayo digreetadi Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Maayarka Caasimada Hargeysa waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, shirkaasi oo uu kaga hadlay qoddobo dhawr ah, waxaanu farriin u diray baabuurta yaryar ee tagaasida ah ee ka dhex shaqeeya caasimada Hargaysa, isaga oo  faray inay afar iyo labaatan sacadood gudahood ku keenaan sharciyadooda waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hoose.
“Waxaa halkan lagu soo bandhigay qalabkii lagu bedeli lahaa isticmaalka bacaha, aad baan ugu mahad-naqayaa qalabkan oo noqon doona bedalkii bacda, ahna arrin la tijaabiyay dadkana anfacaysa  nooc kasta oo ay tahay, ahna wixii bacda lagu bedeli lahaa, waxaanan u sheegaya dadweynaha caasimada ku nool iyo ganacsatadii bacaha soo dejin jirtay, muddo badan baa wakhti la idin siiyay oo  la idiin sugayay inaad ka  saartaan dalka iyada oo la tixraacayo digreetadi Madaxweynaha,  laga bilaabo 5 Octoobar,  waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hoose iyo dhammaan labada qaybood ee ciidanka boolisku waxay u xil-saaran yihiin in ay qabtaan, wax kasta   oo  baca ah ee magaalada dhex yaalla ,haddii ay kollay yaalaan iyo haddii ay bakhaar yaalaan-ba iyo hadday tukaan yaalaan-ba,”ayuu yidhi Maayarka Caasimaddu.
Maayarka Caasimadu Cabdiraxmaan isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaasku daray “waxaanan shacabka leeyahay haloo hogaansamo sharciga oo booliiska gacan halagu siiyo hawsha ay wadaan iyo waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hooseba”
Maayarku waxa kale oo uu  farriin u diray gawaadhida tagaasida ah ee magaalada ka dhex shaqeeya, waxaanu ku amray inay muddo afar iyo labaatan saacadood gudaheeda ay sharciyadooda ay u soo gudbiyaan waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hoose waxaanu yidhi isaga oo arrintaaska hadlaya “Waxa kale oo aan halkan farriin uga dirayaa gawaadhida Tagaasida nooca loo yaqaano Raaxada  in cidii kambani sharcigeed haysataana ay iibinayso, tagaasida kalena ay isa soo habeeyaan oo ay shirkad  ahaan u sameystaan. waxaanan leeyahay arintaa sida ugu dhakhsaha badan waaxda arrimaha bulshada hawla soo xidhiidhaan.”
Waxa kale oo uu sheegay maayarku in lacagihii lagu soo rogay warshadaha soo saara sharaabka iyo biyaha laga qaadi doono tobanka bishan waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu ka hadlaynaa lacagtii la saaraayay caagadaha oo golaha deegaankuna ansixiyay waxaan leeyahay laga bilaabo 10-ka October warshad kasta oo biyaha soo saarta iyo warshadkasta oo sharaabka soo saarta haku tala gasho in lacagtaa la weydiinaayo tobanka bishana ay bilaabmayso”
By : Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply