Madaxweynaha Ireland Oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland Iyo Qoddobadii Ay Kulankooda Ku Lafo-gureen

0
534

Ireland (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mudane Michael D. Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa shalay qasriga Madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefdigii uu hoggaaminayay oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkan Ireland.
Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Silaanyo iyo weftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland, waxaana uu xusay  in Xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Waddan iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in  Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hano-qaaday Dalka Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Ireland waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dib-u-dhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen.
Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga reer Somaliland sugayaan.
Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xajlo-toosiya iyo wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse.
Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde.
Marwo Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland.
Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland u soo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigiisa waxa isla shalay lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation).
Madaxa Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Maxadka Nabada ee lagu casuumay, waxaana halkaas lagaga hadlay Horumarka Dhinaca Nabada ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu astaan muuqata oo lagu daydo u yahay Mandaqada Geeska Afrika, door Shariif ahna uu ka soo qaatay Nabadgelyada ka hano qaaday Dalka Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somailand Mudane Biixi Yoonis, wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xaglotoosiye, ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay dhamaantood tilmaameen in dalka Somaliland uu yahay Qaran nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen dhismaha Qaran Nabdoon oo Dimuqraadi ah. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku Wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo Toosiye, Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Aadan Cawaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha caalamiga ah, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed,  iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.
Geesta kale Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay isla shalay kulamo balaadhan la yeeshay Hay’adaha Maalgashiga iyo Horumarinta ee Dalka Ireland iyaga oo la kulmay Madaxda ugu sarraysa hay’adahaas Investment and Development Agency (IDA) Marwo Eileen Sharps iyo Madaxa Enterprise Ireland Mudane Gary Ford oo uu wehelinayay Mudane Eain Ire.
Waxaa kulankan lagu soo bandhigay Kaalinta ay Hay’adahaasi kaga jiraan Dhismaha Dhaqaalaha iy Horumarka gancsiga ee Dalka Ireland uu la leeyahay Dunida, waxaanay ka war bixiyeen sida ay Jamhuuriyada Somaliland ay uga faaiidaysan karto dhinaca Horumarinta Ganacsiga iyo kor u qaadida Maalgashiga ay Dunidu ku samayn karto Dalka Somaliland oo ah Dal dihin oo khayraad balaadhan leh kuna yaalla goob istiraataji ah.
Waxa kale oo ay madaxdaasi sheegeen inay ku farxeen Booqashada Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, isla markaasna ay danaynayaan xidhiidh balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Ireland.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Mudane Biixi Yoonis ayaa si qoto dheer uga warramay Taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo Khayraadka ku duuggan Somaliland, waxa uu wasiirku tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Nabdoon oo Dimuqraadi ah oo leh qawaaniin dhisan oo sahlaysa una fududaynaysa in Shirkadaha Dunidu ay Maalgelin ku sameeyaan Somaliland.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo tilmaamay in la soo gaadhay xiligii ay Dundu Maalgashi ku samayn ahayd Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Shacbigeedu ay yihiin kuwo dalkooda dib u dhisay diyaarna u ah inay horumar ku talaabsadaan, dunidana ay uga baahan yihiin taageero.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Madaxda Hay’adahaas iyo guud ahaan Shacbiga Ireland, waxaana uu xusay in Qaranka Somaliland iyo Shacbigiisu ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan Dalka Ireland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply