Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Shahaadooyin Guddoon Siiyay Dufcaddii 4-aad Ka Qalin-jabiyay Machadka CSI

0
288

Hargaysa (Dawan)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qeyb galay xaflad balaadhan Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, oo ay ku qalin jabinayeen 95 arday oo ka aflaxay machadka shaqaalaha  Dawladda (Civil Servervice Institute).
Waxa kale oo xafladan ka soo qeyb-galay  Madaxwayne kuxigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali  Faarax, xubno ka mida golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda,  taliyaha ciidanka Booliska, waalidiin iyo ardayda qalin jibaniyasay.
Agaasimaha guud ee machadka  shaqaalaha dawladda  Mr. Guuleed Saleebaan Axmed, oo ka hadlay xafladaasi  hambalyo u diray ardayda qalin jabisay, oo uu xusay inay hawl-adag u soo dhabar adaygeen saddexdii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu yidhi   “Hambalyo hambalyo waxaynu maanta (shalay)  u taag nahay xafladii qalin jabintii afraad ee Machadka  shaaalaha dawladda, waxaana maanta qalin jabiyay   95-arday, waxaan aad ugu hambalyeynayaa ardaydan oo ah    waalidiinta, isla markaan ah ardayda manta halkan ka qalin jabisay ee xafladoodana u wada  fadhino ee u soo dhabar adeegay saddex sannadood oo shaqo adag ah, machadka tababarka shaqaalaha dawladda markii uu arkay record-kii ay u soo gudbiyeen Xafiiska diiwaanka ee registerer-ka machadka, markuu la tashaday qaybaha kala duwan ee waaxaha ee machadka, markii ay buuxiyeen ardayda fadhida halkani  sharuudihii looga baahnaa darajada aqoonta koowaad (degree)-ga, waxa ay maanta ku qalin jabinayaan  shahaadada heerka koowaad ee jaamacada ee Bachelor Degree-ga.”
“Waxa ardadaydan qalin jabisay ka kooban yihiin saddex Kulliyadood, kulliyadda xisaabaadka waxa ka aflaxay  22 arday oo 9 ka mid ahi  ay yihiin dumar, kulliyadda barashadda maamulka dawliga ah  (Public Administration) oo ay ka qalin jabiyeen 33 arday oo 7 ka mid ahi  ay yihiin dumar iyo kulliyadda horumarinta maamulka (Development Management-ga) oo ay ka qalin jabiyeen 40 arday oo 12 ka mid ahi  yihiin haween, markaa tirada guud ee machadka ka qalin jabisay waxa weeyi 95 araday 28 waa dumar, markaa waxa ay muujinaysaa hadafkii noo yaalay ee ahaa tiradda ardayda ee dumarka ee ahaa inay 30% ahaato,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Machadka shaqaalaha dawladda Guulleed Saleebaan Axmed.
 
 
Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladda Prof.Maxamed Mixile Boqorre, ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jabisay iyo dedaalka maamulka Machadku ugu jiro inuu daboollo baahida waxbarashadda ee loo sameeyay.
“Aad ban ugu hambalyeenayaa ardaydan qalin jabisay. waxaan leeyahay hambalyo waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa wasaarada maaliyadda, machadka tababarka shaqaalaha dawladda maaliyad la’aan ma shaqaynayo.awgeed ma shaqenayo, lacagta UNDP markay ka tagto Wasaaradda Maaliyadda ayaa bixisa. bixiya, waxa ay ku socdaa Machadku waa maaliyadda,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaaluhu.
 
Waxa isna halkaa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka warramay  faa’iidada iyo ahmiyada balaadhan ee uu machadka Civil Service Institute-ku  uu u leeyahay qaranka.
“Runtii waxa dhammaanteenba innoo farxada in shaqaalihii dawladda ee hawsha qaranka gacanta ku hayey inay maanta halkan qeybo ka mid ahi  ay ku qalin jabinayaan dufcadii afraad ee machadka tababarka shaaalaha dawladda waxayna ka mid tahay dar-dar gelinta maamul wanaaga iyo horumarka dalka, shaqadu waxay u baahan tahay meeshii lagu shaqenayey oo la hagaajiyo iyo qofkii shaqeynayey oo la tabobaro si loo helo adeegii ummadu  u baahnayd, runtiina waa wax lagu faani karo machadkeennu mudadii  uu jiray iyo  horumarka iyo isbedalka balaadhan ee uu gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
Gabo gabadii madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shahaadooyinkii gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay kuliyadaha kala duwan ee lagu dhigto machadkaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply