Wasiirka Maaliyadda Oo Qaabishay Wefti Ka Socda USAID

0
276

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa xafiiskeeda magaalada Hargeysa ku qaabishay wefti ballaadhan oo ka socda Hay’adda USAID, oo dalka Somaliland ka fulinaya mashaariic horumarineed.
Wasiirka wasaaradda maaliyahda Samsam Cabdi Aadan iyo weftiga ka socda hay’adda USAID waxa ay ka wada hadleen mashaariic horumarineed oo ay hay’addu dalka ka fulinayso, kuwaasi oo uu qayb ka yahay mashruuc ku saabsan hagaajinta cashuuraha bariga Somaliland.
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay faahfaahin ka bixisay ujeeda socdaalka weftigan ballaadhan ee ka socda hay’adda USAID, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Waxaan halka ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda hay’adda USAID, weftigaas oo u socda mashruuca hagaajinta cashuuraha barregia, hay’adda USAID waxa ay qayb ka yihiin cidda inaga caawinaysa mashruucaas, si fiican ayaanuna isula afgaranay, sababta oo ah dhinacaa dawlada Soomaaliyana wax bay ka wadaan, markaa waxaanu fahansiinaynayn in ay baahiyaheenu kala duwan yihiin.”
Wasiirka maaliyada Somaliland waxa kale oo ay intaa ku dartay “Waxaanu ka wada hadalnay oo aanu u sharaxnay in aynu wax badan qabsanay qaran ahaan, waxaanu ka wada-hadalnay waxyaabaha aynu qabsanay ilaa sannadkii 1991-kii oo ay ugu wayntay nabadgelyada aynu haysanaa, oo aanay jirin cid beesha caalamka ah oo inaga caawisay balse ah mid ku timi dedaalka iyo rabitaanka bulshada reer Somaliand.”
“Maarkaa waxaanu ka wada hadalnay in ay halkaa aynu taaganahay ay nagala jaanqaadayaan oo hallka shilin ee ay na siinayaan uu noqdo mid gala halka ay baahidu ka muuqato, laakiin marka ay meeshu dunsantahay waa marka la yidhaahdo wax kasta waanu u baahanahay, laakiin maanta wax kasta uma baahnin, laakiin waxa aynu u baahanay wax aan siistamkeenaa aan xumayn, waxna tari kara,” ayay tidhi wasiirka wasaaradda maaliyada Somliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanay inaas ku dartay “Markaa waxaanu ku heshiinay in ay nala fadhiistaan ee aanay iska odhan waxaas ayaad u baaha tihiin, haddii minqiyaaska ay qaadanayaan hayay ka ay Soomaaliya ka qabanayaan uma baahnin waxaas, waxa weeyaan in ay nala fadhiistaan oo shuruucdayada eegaan markaas ayay arkayaan halka ay god-daloolo jiraan.”
Wasiirku  waxa ay xustay in weftiga ay isla qateen qaabka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqayn karaan wasaaradda maaliyada Somaliland iyo hay’adda USAID, waxaanay tidhi “Masuulka weftiga hogaaminayaa waxa uu ahaa nin khibrado badan leh, waxaanuna isla qaadanay wixii maanta ka dambeeya in aanu si toos ah u wada shaqayno oo ay baahiyahayaga nooga dambeeyaan oo ay nala eegaan anana aanu si furan ula shaqayno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply