Nadiifinta Qashinka Ayuu Ku Noqday Hantiile Weyn

0
368

Matthew Osborne waxa uu ka mid ahaa dadka sida weyn uga sheqeeya inay qashinka ka nadiifiyaan Eyda, shaqadan uu hayay qofna  ma filayn inuu ka noqon doono nin ka mid ah hatiilayaasha caanka ah. Sanadkii 1987 ayuu ka furay  xarun  xayawaanka ah magaalada Colombos  ee Maraykanka ee Ohio. Wakhtigaasi wuxu u shaqayn jiray si joogto ah  , waxaana uu qaadan jiray wax ka yar $ 6 saacadii.
Waxa uu lahaa xaas, wiil yar iyo ilmo uurka ku jiray wakhtigaasi. Waxaa uu ka fekiray  inay magaalad joogaan 100, 000 Ey kuwaasi oo suuq fiican uu ka heli karo haddii usoo bandhigo fikradda ah nadiifinta qashinkooda.  Shaqadaasi ayuu ku bilaaban si tartiib ah iyagoo u shaqayn jiray dad koobani,  Muddo yar markii uu gurayay qashinka Eyda ayuu helay macmiil badan. Intaasi ka dib waxa ballaadhatay baahida loo qabo iyadoo fikirkiisu uu hirglay . Intaasi ayuu iibsady 7 gaadiidka qashinka  Eyda lagu guro waxaana wakhtigaasi  ka hawlgelayay dad gaadha 700 qof fikradii uu sida fudud ku bilaabay. Waxaana uu ka sameeyay lacag malayiin ah, shaqadaasi ayuu kaga mid noqday hantiilayaasha caanka ee Maraykanka.

Leave a Reply