70 Sano Oo Bilaash Ah Ayaan Haystay Nimcada Indhaha

0
344

Markii odayga 70 jirka ahi u tagay dhakhtar indhaha wuxu  ka cabanayay dhinaca araga, iyo xanuun badan oo wakhtigaasi ka hayay indhaha.
Dhakhtarka  ayaa markiiba gartay xanuunkiisa oo ka daweeyay, ka dibna wuxu u qoray warqadii uu lacagtii ku bixin lahaa, si uu ugu dhiibo lacag hayaha xarunta.
Laakiin odayga markii uu warqadii u dhiibay ee uu eegay ayuu ooyay.  Ka dibna dhakhtarka ayaa ku yidhi haddii ay lacagtu kugu badan tahay waan ka dhimayaa ! laakiin Odaygu muu joojin oohintii! Haddana mar kale ayuu dhakhtarku ku yidhi iska dhaaf  lacagta oo iska tag. Weli Odaygu oohintii iyo calaacalkii muu joojin.
Dhakhtarka ayaa ku yidhi oo haddii aan kaaba daayay kharashkii gebi ahaantiis maxaad la ooyaysaa?
Waxaana uu ugu jawaabay “ 70 sano oo aan wax ku arkayay  oo ay xoog ahaayeen ayay bilaash ii ahaayeen , 10 daqiiqo oo aan kula joogayna lacag bay noqotay, waxaan xusuustay Allaha (sw)mudadaasi dheer  ee ay awoodda lahaayeen bilaashka iiga dhigay”

Leave a Reply