Khubarada dhinaca baadhitaanada taariikhaha ayaa markii ugu horeysay baadhitano ka bilaabay macbadkii uu ku cibaadaysan jiray Fircoon kii lagu magcaabi jiray Nectanebo-kii kowaad,kaas oo laga helay meel aan sidaas uga sii fogayn.
koox reer Masar ah oo uu hogaaminaayo khabiir u dhashay wadanka Jarmalka ayaa baadhitaanadaasi bilaabay,iyaga oo sheegay inay doonayaan inay sii balaadhiyaan baadhitaanaasi,ilaa ay gaadhsiiyaan meesha loo yaqaano Ain Shams.
meeshan ayaa hore looga helay guryo cusub oo aan hore loo ogayn ,kuwaas oo ay lahaan jireen boqoraddii reer Fircoon,waxa kale oo goobahaasi laga helay qalab kale oo taariikh aad u horeysay la isticmaali jiray.
waxyaaaha ay halkaasi khubaradani ka heleen waxa kamida waxyaalo ay ku tilmaameen inay ahaayeen haddiyado loo keenay boqorkii halkaasi deganaa,kuwaas oo ay sheegeen inuu isna sii dul dhigay waxyaalo ay u yaqaaneen inuu Ilaah yahay.
waxa kale oo ay khubaradani heleen laba sawir oo ay sheegeen inay ahaayeen kuwo laga sameeyey boqoraddii Nectanebo II iyo Merenptah oo ahaa boqoraddii 19-naad ee boqortooyadaasi Faraacida xuumaayey ,muddo laga joogo kumanaan sanno ka hor.
Home Barnaamijyada Khubarrada Baadhitaanada Ataarta Oo Markii Ugu Horeysay Baadhitaanno Ku Sameeyey Macbadyadii...