Daraasad ka Digtay Sigaarka

0
296

Daraasad cusub ayaa ka digtay in laba milyan oo qof ay u dhiman karto sanad walba dalka Shiinaha cuduro la xidhiidha sigaarka sanadka markuu yahay 2030.
Daraasaadka oo lagu daabacay joornaalka Lancet ee ka warama caafimaadka, ayaa sheegay in ragga Shiinaha ay qatar gooni ah ay ku jiraan sababtoo ah boqolkiiba lixdan iyo lix nimanka ayaa caba sigaarka.
Tirada dadka sigaarka caba ayaa korortay sanadihii ugu danbeeyay.
Baadhayaasha ayaa go’aankan gaadhay kadib markii ay sameeyeen laba baadhitaan oo u dhaxaysay shan iyo toban sanno, oo ay ku sameeyeen boqolaal kun oo qof.

Leave a Reply