Billadda Nobel oo la Siiyay Guddi Tuuniisiyaan ah

0
389

Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka sanadka 2015, ayaa la siiyay kooxda wada hadalka Tunisiya, oo lagu ammaanay  doorkii ay ku lahaayeen sameynta nidaamka dumuqraaddiyadda dalka Tunisiya.
 
Guddiga abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka oo ku sugan Oslo, aayaa sheegay in ay abaalmarintu si guud ahan u leeyihiin kooxda oo idil, islamarkaasina aysan jirin shaqsi gaar si gaar ah loo siiyay abaalmarinta.
Waxa kooxda lagu abaal mariyay dadaalkoodi ku aaddanaa hannaanka siyaasadeed ee nabadda ku saleysan ee dalkaasi iyo sidoo kale dimuqraaddiyeenta waddankaasi, kadib kacdoonnadii ka dhacay dalalka Carabta oo Tunisiyana ay qeyb ka ahayd.
 
Waxa lagu ammaanay kooxda inay wada xaajoodyo lagu guuleystay ay sameeyeen xilli uu dalku qarka u fuulay dagaal sokeeye.
Daqiiqadihii ugu danbeeyay ayaa la siiyay abaalmarinta Nobel Peace hogaamiyayaasha Kooxda Qaranka Tunisia ee Wadahadalka. Waxay ka mid ahaayeen in kabadan laba boqol iyo toddobaatan qof oo loo soo magacaabay bilada sanadkan.
Markii lagu dhawaaqayay abaalmarinta, gudoomiyaha gudiga Nopel ayaa sheegay in kooxda ay samaysay “go’aan wax ku soo kordhiyay dhisida dimoqraadiyada kadib kacdoonkii 2011.”
Kooxda ayaa ka kooban afar urur oo matala qaybo kala duwan ee bulshada iyo waxa ay u baahan yihiin.
 

Leave a Reply