Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay dhaceen sannadkan ugu yaraan 500 oo weerar oo lagu qaaday guryaha loo qoondeeyay in la dejiyo dadka magangalyo doonka ah , taas oo saddex laab ka badan weeraradii dhacey sannadkii 2014.
Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Thomas de Maiziere ayaa ugu yeedhay weerarada noocan ah kuwo foolxumo ah.
Waxa uu intaa ku darey in ay weerarada fuliyeen laba dalool dad deegaanka ah oo aan hore loogu diiwaangelin fal danbiyeedyo.
Jarmalka ayaa filaya in ay martigeliyaan ugu yaraan 800,000 oo magangalyo doon ah sannadkan.