Jeneraal Iiraani ah oo lagu Dilay Suuriya

0
321

Taliye sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ayaa lagu dilay Suuriya, halkaas oo uu la talinayay ciidamada dagaalka ay kula jiraan kooxda la magac baxday IS.
Iran ayaa sheegtay in Jeneraal Xuseen Hamedani la dilay Khamiistii, waqti uu ku jiray howl la talin ah magaalada Xalab.
Jeneraal Hamedani, ayaa waxaa saamayn ku yeelan lahaa cunaqabatayn Midowga Yurub, kadib qaybtii uu ku lahaa xoog loo isticmaalay mucaaradka doorashadii madaxweynenimada 2009-kii kadib.
Dhimashadiisa ayaa ugu danbaysay dhowr taliyayaal reer Iran oo lagu dilay dagaalka. Iran ayaa taageero muhiim ah siisay madaxweynaha Suuriya ee Assad tan iyo markuu bilaabmay dagaalka Suuriya
 

Leave a Reply