BBC-da Oo Waraysatay Ey

0
643

Tv-ga Idaacada BBC ayaa barnaamijyadeed ku marti gelisay Ey , waxaana shaashada ka  muuqanayay Eyga oo ku fadhiya Kursiga ay sida caadiga ah ku fadhiistaan siyaasiyiinta iyo Khubarada ka faalooda arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha caalamka.
Eygan aya kulankan kala qayb galay cilmi baadhe xiiseeya arrimaha xayawaanka, kaasi oo soo ku soo bandhigay barnaamijka daraasad uu sameeyay macadka Lagu magacaabo “Macyrilla Institute” ee ku yaalla Vienna .
Daraasadan ayaa lagu sheegay in Eydu kala soocdo wejiyada dadka isla markaana ay si fudud u garato. Laakiin weriyaha barnaamijka oo ahaa Weriye Julian Walker ayaa muujiyay in ka qayb galka Eyga ee barnaamijkan uu yahay muhim. Laakiin nasiib daro weli barnaamijkii oo socda ayuu Eygu daal dareemay oo ka degay kursigii loogu talo galay  isagoon haba yaraatee tixgelin kamaradi haysay ee ay ka daawanyeen malaayiin xiisaynaya barnaamijka.
 

Leave a Reply