Militeriga Kameroon, ayaa sheegay in labo weerar oo isqarxin ah ay ka dhaceen waqooyiga fog ee dalka, meel u dhow xadka ay la leeyihiin Neyjeeriya.
Qaraxyada oo ka dhacay tuulo u dhow magaalada Mora, ayey ku dhinteen ugu yaraan sagaal ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan toban.
Wararka qaar, ayaa sheegaya in labada qarax ay geysteen haween. Kooxda Boko Xaraam, ayaa goobahaasi si joogta ah uga fuliya weerarada. Waxaa lagu eedeeyay weerar ka dhacay Chad sabtidii, kaasi oo ay ku dhinteen 36 ruux.
Ciidamada Nigeriya, ayaa ku biiray kuwa Jaad, Kameroon, Niger iyo Benin ee isku dayaya in ay ka adkaadaan Boko Xaraam.