Lacagtu waa waraaqo iyo qadaadiic la isla gartay qiimaheeda, waxa sameeya dawladaha, taasi oo qiime sugan leh. Waxa jecel tuugta oo xada iyadoo asalka ah, mararka qaarkoodna tuugtu waxay sameeyaan lacago been abuur ah (Foorjari). Ma jiro shay ka degdeg badan lacagta oo saameeyaa dhaqaalaha. Dadka badankoodu waxay ku helaan si dhib badan iyo shaqo adag, laakiin qaarkood waxay ku helaan si dhib yar, iyagoo u samaysta si aan sharci ahayn oo foojari been abuur ah iyo kuwo kale oo tuugo ahaan lacagta asalka ee xukuumadu samaysa xada.
Haddii lacagta loo daabaco si been abuur way ka dhib badan tahay tan asalka ah ee tuugtu xaday, maxaa yeelay waxay saamayn ku yeelataa suuqa wax kala iibsiga iyo dhaqaalaha guud ee dalka, iyadoo horseeda sicir barar. Sidaas ayuu dagaalkii labaad Jarmalku u sameeyay lacag been abuur ah (Foorjari) oo Giniga Ingriiska ah si uu dhaqaalaha Ingiriiska u baabiiyo. Arimahaasina waxa u xil saaraan baanka oo loo baahan yahay inuu bulshada ka ilaaliyo lacagaha aan asalka ahayn ee suuqa la soo geliyo.