Wasiir Ku-xigeenka Ciyaaraha Oo Sheegay Inay Ciidanka Booliska Ka Dalbanayaan Baadhis La Xidhiidha Labadii Qof Ee Ku Dhintay Tartanka Ciyaaraha Goboladda

0
349

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha  iyo dalxiiska Somaliland Md.  Yuusuf Cismaan Garas,  sheegay inay ka xun yihiin wiil dhalinyarro ah oo ku dhintay xabad  Boolisku rideen shalay markii rabashadu ka dhacday garoonka Xaaji Daahir ee Magaaladda Boorame, oo ay iskaga hor-yimaadeen labada xul ee gobolladda Awdal iyo Maroodi-jeex, waxaanu balan-qaaday  inay ciidanka booliska ka dalban doonaan in aan cid dambe ku dhiman garoomadda ciyaaraha isla markaana baadhis lagu sameeyo geerida labadii dhalinyarrada ahaa ee ku naf waayay magaaladda Boorame.
Wasiir Ku-xigeenka oo xalay isagoo joogay Boorame u warramayay Tifaftiraha Guud ee DAWAN Cumar Maxamed  Faarax, ayaa  ku eedeeyay xulka gobolka Maroodi Jeex  inay baal-mareen xeerkii  u yaalay ciyaaraha Somaliland ee kubadda cagta isla markaana ay diideen rikoodhe lagu qabtay oo sababay in gabi ahaanba laga saaro tartankan.
“Ciyaaruhu waxa ay iska leeyihiin xamaasad iyo wareer,  ciyaaruhuna waxay leeyihiin xeer iyo sharci. rikoodhe ayaa lagu qabtay xulkii  Maroodi Jeex way diideen in lagu laagto, waxaanay yidhaahdeen garsooruhu wuu khaldan yahay, adduunka kama dhacdo in la yidhaahdo waxba kama jiraan go’aanka Garsooraha ciyaarta maamulaya. Kooxda garsooraha ka cabanaysaa waxay leedahay dariiq sharci oo ay tahay in loo maro dacwadda mawduuca laga cabanayo. Laakiin khaladka ugu weyn ee ciyaartoyga Maroodi-jeex sameeyeen waxa uu ahaa waxay gacantooda sifo khaldan ugu fushadeen sharcigii, arrintaasina waa gef dalka dawlad ayaa ka talisa haddii qofku uu wax uu doonayo sameeyo waxba inooma soconayaan,”Ayuu yidhi Wasiir Yuusuf Cismaan Garas.
 
 
Wasiir ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in tartanka ciyaaraha gobolladu aanu is-dhex-galkii laga rabay dhalinyarradu uu meesha ka baxay oo ciyaaruhu soo kordhiyeen gobolaysi iyo qabyaalad hor leh, waxaanu yidhi  “Adduunka oo dhan ciyaaraha taageerayashoodu waxay sameeyaan waa ta la arko laakiin waxa aan odhan karaa wacyigelin ku filana waa la sameeyay waxa inNagu cusubna may ahayn waa koob la qaban jiray ciyaaryahano wada ciyaari jiray ayay ahaayeen waxaana muhiimadu tahay in dhallinyarradu  wax ka bedalaan akhlaaqdooda, xamaasadana waxa keenaysa ciyaar wanaaga oo guruubkani  waxa ay ahaayeen group-ka ugu adag. Marka ganaaxyaddu sidan oo kale u fulaan waxa dhismaya qiyamka iyo nidaamka ciyaaraha dalkeenna.”
 
 
Wasiir Garas oo la weydiiyay sida wax looga qaban karo khasaaraha ka dhashay rasaasta ciidanku ridayaan xilliyadda ciyaaruhu socdaan, waxaanu kaga jawaabay  “Aad baan uga xumahay tacsi ayaanan u dirayaa ehelkii ay ka baxeen labadii wiil ee geeriyooday mudadii tartankani socday magaaladda Boorame. ma rabno in qof Somaliland ahi inuu  si dhib yar naftiisa ku waayo ama ciyaar ha noqoto ama wax kale ha noqotee.  laakiin mar walba waxaanu yeelanaynaa  yeelanaynaa feejignaanteeda. Waxaan awooda saaraynaa inaynu amnigana sugano, dadkeenana aanay xabadi ku dhicin. Arrintan labadan wiil ku dhinteen waxaanu Ciidanka Booliska ka codsan doonaa in la baadho sababtii dhalisay. Waxa kale oo aanu ku dedaali doonaa dawlad ahaan in kor loo sii qaado tabobarka ciidammadda ammaanka, aad baan  uga xumahay ciyaaraha gobolladana waxa nagaga  qaalisan  labadii wiil. Waxaan  ku rejo weynahay in si sidan ka duwan amniga wax uga qaban doono.”
 
Wasiir Ku xigeenku waxa kale oo uu ku dooday inuu xidhiidhka kubadda cagta ku ixtiraamay inay si madax-banaan u qabsadaan  waajibaadkooda shaqo, waxaanu soo dhaweeyay ganaaxyadda culus ee ay xalay soo saareen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply