Xidhiidhka Kubadda Cagta Oo Xulka Maroodi-jeex Ka Saaray Tartanka Ciyaaraha Gobollada

0
298

Hargeysa (Dawan)- Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ayaa xalay go’aan ay soo saareen waxay  xulka kubadda cagta ee Maroodi-jeex ka reebeen  tartanka ciyaaraha gobolladda ka dib markii ay gacan u qaadeen garsoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka kubadda cagta, waxaanay  saddexdii dhibcood ee ciyaartii shalay galab  magaaladda Boorame ku dhex martay Awdal iyo Maroodi-jeex loo xukumay  xulka Awdal.
 
Ciyaartan oo qeybtii hore ku gab0-gabowday hal iyo eber ay ku hoggaaminaysay xulka kubadda cagta ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa qeybtii labaad markii la iskugu soo noqday waxa rikoodhe loo dhigay xulka Gobolka Awdal, waxase diiday qaraarkii garsooraha    xulka gobolka maroodi-jeex arrintaasi oo sababtay inay rabshado hadheeyay garoonka.
 
Xoghayaha Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Sacad Maxamed Shirre, oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN,   ayaa sheegay in saddexdii  dhibcood ee ciyaartaas la siiyay xulka Gobolka Awdal, isla markaana wareega labaad ee ciyaaraha laga reebay xulkii Maroodi-jeex oo uu xusay inay  gacan u qaadeen garsoorihii dhexe ee ciyaarta iyo xubno ka mid ah xidhiidhka kubadda cagta, waxaanu tilmaamay in saraakiishaas la gacan saaray  qaarkood la soo gaadh siiyay dhaawacyo kala duwan.
“Go’aanka aanu qaadanay waxa uu ka dhashay  markii garsoorihii koowaad  iyo calan wallihii koowaad ay rikoodhe ku qabteen xulka Maroodi-jeex  ay ciyaartoygii diideen in lagu laago oo ay dagaal gacan ka hadal ah kala horyimaadeen oo ay qaarkoodna dhaawacyo muuqda u geysteen,  ka dib waxaanu go’aan ka soo saaray  dhacadadii garoonka  markii aanu sugaynay xulka Maroodi-jeex wakhtigii ciyaarta ka dhinaa. markaa Go’aanka xidhiidhka kubadda cagtu soo saaray waxa weeye in aanu saddexdii dhibcood ee ciyaartii shalay galab  dhex maraysay Awdal iyo Maroodi-jeex lagu wareejiyo gobolka Awdal, sidaasna gobolka Awdal kaga mid noqdo gobolladda u soo baxay wareega labaad,”Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland.
Sacad Maxamed Shirre waxa kale oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ciyaarta dambe ka joojinay inuu ciyaaro oo ganaaxnay Ciyaartoyga magaciisu yahay Fadxi Muuse Maxamedoo ka mid ah ciyaartoyga gobolka Awdal, oo isaguna garsooraha laag la dhacay. waxaanu xidhiidhka kubadda cagtu ka joojiyeen inuu ka qeyb-galo wareega labaad ee ciyaaraha gobolladda ee Hargeysa lagu qaban doono.”
Xoghayaha  Xidhiidhka Kubadda cagta oo aanu weydiinay cida rabshadaha sameeyay inay ahaayeen ciyaartoy iyo inay taageereyaal ahaayeen, waxa uu  yidhi “Ma Jiraan wax taageereyaal ah oo garoonka soo galay, waxay ahaayeen Tababarihii, Koonfindhe iyo ciyaartoygii xulka Maroodi-jeex oo dhan.”
Sacad Maxamed Shirre oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ganaaxan culusi uu wax ka bedali doono gal-daloolooyinkii hore uga jiray garoomadda ciyaaraha, waxaanu yidhi “Xidhiidh ahaan horeba way jiri-jirtay inaanu go’aamo soo saarno, haddii gobollada kale dhaqan noocan oo kale ah sameeyaanna waanu ganaaxi doonaa. waliba ciyaartoyga  maroodi-jeex markay tagaan Hargeysa go’aamo dheeraad ah oo la xidhidiha falkii shalay ayaa laga qaadan doonaa.”
By: Cumar M. Faarax
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply