Wasiirka Maaliyadda Oo Kulan La Yeelatay Ganacsato Ka Socday Turkiga Oo Booqasho Ku Yimid Dalka

0
263

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka   maaliyadda  Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,  ayaa xafiiskeeda ku qaabishay wefti ganacsato ah oo ka socda dalka Turkiga, kuwaasi oo u socday  in ay dalka Somaliland maalgashi ka sameeyaan isla markaana ay ka hirgeliyaan mashaariic horumarineed
 
Marwo Samsam,  waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay weftigan ganacsatada ah ee Turkiga, waxaanay tilmaantay  in wakhti-xaadirkan ay u eegtay in uu dib u soo noolaanayo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ay wada lahaan jiree dalalka Somaliland iyo Turki.
Wasiirka  oo  sharaxaad ka bixinaysay ujeedada socdaalka Weftigan.  Waxay  tidhi “Maanta (shalay) waxaa halkan iigu yimi wefti Turki ah oo ganacsato ah, waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa in aanu xafiisyo ka furano dalka Somaliland, xafiisyadaas oo qaybina tahay baayacmushtari, qaybina tahay dadka arrimaha caafimaadka uga baahan dalka Turkiga,  in ay kexeeyaan oo ay ku xidhaan Cusbitaalada Turkiga ee ay doonayaan ay geeyaan.”
Marwo Samsam waxa kale oo ay intaa ku dartay “Markaa waxaanu ku nidhi waa si fiican oo taariikh hore ayaynu leenahay, Turkigu halkan ayuu degenaan jiray oo Berbera, Bulaxaar iyo Saylac intaba wuu deganaa.
Markaa  waxaanu nidhi haddii la soo celinayo xidhiidhkaas, waa si wanaagsan.  Laakiin  hadda dadkayagu meelo badan way tagaan oo ay ka mid tahay Malesia iyo meel kasta, Markaa idinku Turki ahaan hadaad ku xidhaysaan Baasaboor iyo Fiise iyo waxyaabahaas waa mushkilad.
Haddii aad fiisaha u dedejinaysaan oo qofka xanuunsanaya aydaan shuruudo adag oo qofka xanuunsanayaa aanu sugi karayn taasi ma suuroobayso”ayay tidhi wasiirku.
 
Wasiirka maaliyadda oo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi  “Markaa waxaanu ku nidhi idinkuna shaqadaa soo qabta oo wixii oo diyaar ah noo keena, waxaad leedihiin qofka xanuunsanaya ee maanta naloo keeno maalinta labaadba waanu u soo saaraynaa oo Turkiga ayaanu gaynaynaa fiisihiisa iyo wixiisa oo dhan deg deg ayaanu u samaynaynaa.
Marka aad taas samaysaan anaguna wixii dawlad ahaan aad nooga baahantihiin waanu diin dhamaynaynaa, hadday tahay in aanu sharcigii idin siino aad xafiisyada ku furanayseen iyo in aanu idindejino iyo hadday tahay in aanu idiin hawl yarayno wixii idinka xidhan oo dhan waanu idiin dhamaynaynaa,  markaa idinku dhinaciina soo dhamaystira”.
 
Marwo Samsam Cabdi Aadan,  waxa kale oo  ay  faahfaahin ka bixisay dadka ay isla qaateen weftigaaasi ka socday Turkiga in ay dalkooda u bixi karaan.   “Qof xanuusanaya iyo qof waxbarasho u socda oo Scholarship haysta oo lacagtii shubay oo la leeyahay Baasaboor kale doono fiisahana muddo sug oo intaas uu wakhtigu ka dhacayo oo jaamacadihii la galayo. Taas  waxaan u arkaa in aan isku halayn badan lagu qabayn, markaa waxaan ku idhi idinkuna taa soo hagaajiya anaguna wixii aanu balan qaadno aanu ka soo baxno, markaa sidaas ayaynu ku kala tagnay,”ayuu yidhi wasiirka maaliyadu.
By. Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply