Wasiirka Khaarajiga Oo Si Weyn Loogu soo Dhaweeyey Hargeysa, Kana Hadlay Hankiisa

0
270

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ahna Musharrax u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey Caasimadda Hargeysa, iyadoo lagaga hor-tegay garoonka diyaaradaha Cigaal, lana soo gelbiyey illaa gudaha magaalada Hargeysa.
Waxa soo dhawaynta Musharrax Maxamed Biixi ka qayb-qaatay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaanno, Masuuliyiin KULMIYE ka tirsan, Xubno ku jira Golaha dhexe ee Xisbigaas, Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaanka guud ee Subeer-awal, Madax-dhaqameed tiro badan oo ay labada Suldaan hoggaaminayeen, Odayaal, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhalinyarro, Haween, Culimo iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Markii Madaarka lagu soo dhaweeyey Maxamed Biixi Yoonis waxa uu la hadlay madaxdii iyo bulshadii kala duwanayd ee soo dhaweeyay.
Maxamed Biixi Yoonis oo ka mahad-celiyey qaabka loo soo dhaweeyey, waxa uu Tacsi u diray Qoysaska, iyo Ehelada Afar Wiil oo dhalinyarro ah oo toddobaadkii hore ku dhintay Badda Berbera. “Marka ugu horreysa waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkiinnan sharafta leh ee sida weyn ee qiimaha leh ee qaddarinta leh maanta iigu soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa anigoo ah Musharrax u diyaar ah inuu hawsha Xisbiga ka soo baxo, Waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu ila qabto, hadduu Khayr ku jiro ila qabto iguna hago,”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland muddada 24-ka sanno ah ee ay soo jirtay wax badan qabsatay oo dawladihii kala dambeeyey midiba meel soo gaadhsiisay, isla markaana loo baahan yahay in Madaxweyne Siilaanyo ka dib qof karti, aqoon, waayo-aragnimo iyo daacadnimo leh oo halkaas ka sii qaada.
“Somaliland wax badan bay soo qabsatay 24-kaa sanno, Maanta waxay maraysaa meel ay u baahan tahay hawshaa culus ee ay dawladihii hore qabteen ee dawladdan maanta jirta oo hawl faro badan qabatay ee uu Masuulka ka yahay Madaxweyneheenna Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aannu ugu mahad-naqayno hawsha qiimaha weyn ee ballaadhan ee uu dalka u qabtay inuu maanta u baahan yahay hawshaas uu qabtay iyo magaca uu ka tegayo qof aqoonteedii, cilmigeedii, waayo-aragnimadeedii iyo khibraddeedii leh oo halkaas ka sii qaada oo dadka Somaliland mideeya, Somaliland waa mid maanta waxaad arkaysaan halkaa in Bari illaa Galbeed Somaliland ku dhan tahay,”Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.
Wasiirku waxa uu xusay inuu rajaynayo inuu noqdo in dalka iyo xisbiga KULMIYE Lagu aamino, waxaanu yidhi “Tartanka ka dhici doona (Xisbiga KULMIYE dhexdiisa) ama ha noqdo jago Madaxweyne ama Madaxweyne Ku-xigeen ee waxa uu noqon doonaa tartan dadka Somaliland oo dhan u dhex ah oo qof kasta oo reer Somaliland oo ama Bari ha joogo ama Galbeed ha joogo uu xaq u leeyahay. Waxaynu u baahan nahay maanta qof isku mideeya oo dadka isku soo dhaweeya oo aan dadka kala fogeyn, waxaan ahay ninka caynkaas ah ee aamminsan inaan wax qabadkeeda wax ka qaban karo. Waxaan idin leeyahay waad mahad-san tihiin, waanaynu guulaysan doonnaa Insha Allaah, Taageeradiinnaan u baahan nahay, waxaan u baahanahay inaad I barbar-istaagtaan, waxaan aamminsanahay inaan ahay nin aad ku aammini kartaan, dalka iyo dadka maamulkooda.”
Wasiirka Khaarajigu, waxa uu ka warramay Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku marayeen maalmihii u dambeeyey waddamada Imaaraadka Carabta, Ireland iyo Ingiriiska oo uu Wasiir ahaan Xubin ka ahaa, waxaanu sheegay inuu yahay safar taariikhi ah oo guul weyn u ah Jamhuuriyadda Somaliland, maaddaama oo aan Ireland Somaliland hore u tegin.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inuu Macallin ahaa, isla markaana meelo badan oo kala duwan oo dalka Somaliland ah uu Macallin Dugsi ka soo noqday, isla markaana ka soo baxay Jaamacadda Hardvord ee waddanka Maraykanka, leeyahayna aqoon iyo karti uu dalka Somaliland ku hoggaamin karo, meel fiican iyo aqoonsina uu gaadhsiin karo.
“Dalka si fiican baan u kala aqaannaa dad badan baa u haysta malaha inaan Qurbo-joog uun ahaaye, dalka meelo badan baan macallin ka ahaa, Bulla-xaar baan Macalin ka ahaa, Sallaxlay baan ka ahaa, Berbera ayaan ka ahaa, Balli-gubadlaan ka ahaa, Sheekh Baan ka ahaa oo Burco ayaan ka ahaa. Jaamacadda adduunka ugu weyn baan ka baxay ee Hardvord, Jaamacado badan baan ka baxay,”Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi   “Waxaan leeyahay waxaad gaadhsiinaysaa dalka iyo dadka aqoon qalinku shaqeeyo, waxaan ahay qof dalka kala yaqaanna oo meelo badan Macallin ka soo noqday. Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay  qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo-aragnimo, Karti, Xajiin la’aan iyo Taariikh qaali ah oo uu qofku leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu mar la weydiiyey inuu jagada Wasiirnimo bannaynayo maaddaama oo uu Madaxweyne isu sharraxayo, waxa uu sheegay inaan sharcigu diidaynin ee uu isaga oo xilka haya jagada Madaxweynaha KULMIYE Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ku tartami doono tobanka bisha soo socota ee November 2015.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply