Gantaallo ku dhacay safaaradda Ruushka ee Dimishiq

0
451

Laba gantaal ayaa ku dhacay dhismaha safaarada Ruushka ee magaalada Dimishiq.

Dhowr boqol oo qof, ayaa isugu soo baxay bannaanka iyaga oo taageera u muujinaya xukuumadda Moscow ololaha duqeymaha cirka ay ka wadaan Suuriya.

Weriye BBC ka tirsan, oo Dimishiq ku sugan, ayaa sheegaya in ay jiraan dad dhaawac ah.

Werarka gantaalka, ayaa imaanaya maalin kaddib markii Abu Mohammad al-Golani, oo hoggaamiya kooxda al-Nusra Front, oo xiriir la leh Al-Qacida kana dagaalanta Suuriya, uu ku tilmaamay ololaha weerarka cirka ee Moscow in uu yahay mid cusub oo ah halgan qaddiyadeed.

Weerarka Moscow, ayaa diirada lagu saarayaa deegaanada ku yaalla waqooyi galbeed Suuriya, oo ah meel ay ku xoog badan yihiin kooxda Al-Nusra.

 

Leave a Reply