Dooni Ku Shuf Beeshay Duleedka Badda Saylac

0
475

Saylac (Dawan)- Mareeyaha  dekedaha galbeedka Somaliland Siyaad Daahir Cammuud iyo taliyaha ciidamada badda ee gobolka Selal Haaruun Siciid Cali ayaa shalay ka hadlay dooni shiidaal siday oo ku shef beeshay badda magaalada Saylac ka dib markii uu dab qabsaday.
Siyaad Daahir oo ka warbixiyay doontan shiidaalka siday ee shuf beeshay, waxaanu yidhi “Xalay 9 kii fiidnimo ayaa shil ka dhacay meel u dhaxaysa dekeda Saylac iyo jasiirada Saacadadiin oo badda gudaheeda ah shilkaas oo ahaa dooni siday shiidaal  oo gubatay.”
Sarkaalkaasi waxa uu intaas ku daray  “Wax dhibaato ahi may soo gaadhin dadkii saarnaa doontaas ee shaqaalaha ka ahaa waxa  soo badbaadiyay  ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland,  waxaanan uga mahad-celinayaa gurmadka samato-bixinta shaqaalaha ee ay galeen.”
Taliyaha ciidamada badda ee gobolka Selal  saddex xidigle Haarun Siciid Cali, ayaa isaguna uga mahad-naqay ciidamada badda gurmadka ay u fidiyeen dadkii saarnaa doontaas waxaana uu yidhi “Doontaasi iyadii iyo wixii  ay siday way shuf beeleen laakiin wax naf ahi kumay bixin markii doontaasi dabkaasi ka qarxay ciidamada xeebuhu waxa ay u gurmadeen doonta waxa ay ku guulaysteen inay badbaadiyaan dadkii saarnaa doonta hal qof ayaa ku dhaawacmay afar kalena way bad qabaan.”

Leave a Reply