Wasiirka Wershadaha Oo Beeniyay In Uu Ka Qayb Galay Shir Loo Qabtay Maamuladda Dawladda Xamar

0
426

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa iska baraxay warar  sheegayay in uu dalka Holland kaga qayb galay shir loo qabtay dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadda hoos taga, isla markaana  aanay Somaliland qayb ka ahayn.

 

Hase yeeshee wasiir Shucayb ayaa eedahaasi dhinac isaga leexiyay, waxaanu sheegay in shirkii uu dhawaan dalka Holland kaga qayb galay  oo ku saabsanaa maal-gelinta wershadlayda  uu ahaa mid lagu soo casuumay Somaliland.

 Shucayb Maxamed Muuse, oo shalay dalka dib ugu soo laabtay  oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaraha magaaladda  Hargaysa warbaahinta   la hadlay ayaa sheegay  in shirkaasi  si gaar ah loogu soo marti-qaaday Somaliland, isla markaana  uu shirkaasi kaga qayb galay  magaca Somaliland.

Isagoo faahfaahin ka bixinayay shirkaasi iyo wixii uu ku saabsanaa waxa uu yidhi “Haddii aan si kooban uga hadlo  waxa uu daaranaa safarkii aan ku tegay  wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, safarkaasi waxa uu ahaa  mid shaqo. Hay’adda la yidhaahdo Spark oo ka diiwaangashan dalka Holland, un axil saran tababar-siinta wershadlayda ayaa  casuumad noo soo dirtay.”

 “Markii ay casuumadu na soo gaadhay, aniga iyo  wasiirka  arrimaha dibadda ayaa ka wadatashanay, waxaananu isla garanay in hay’adaasi ay casuumadda si jamac ah u soo direen. Sidaas darteedna ay  Somaliland mid gaar ah u soo diraan,  waanay u soo direen  Somaliland casuumad gaar ah. Waxaanan shirkaasi kaga qayb galay magaca Somaliland” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa  uu ka war-bixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay shirkaasi iyo madaxdii uu kulamadda la yeeshay. Waxaanu yidhi “Waxyaabaha shirkaasi nooga soo qabsoomay, waa markii u horaysay  ee aan la kulano wasiirka ganacsiga dalka Sweden  oo aanu kala hadlaynay waxyaabo ina khuseeya.

 Haddii ay tahay dhinaca wershadaha, haddii ay tahay Korontadan inagu qaaliga ah sidii la inooga caawin lahaa.Netherland (Holland), iyadna  waxaanu kala kulanay gudidda joogtadda ah ee baarlamaanka. Markasta oo aanu kulan samayno magaca Somaliland ayaanu ku hadlaynay”.  

Dhinaca kale Shirkaasi oo sidoo kale lagu soo casuumay masuuliyiin ka socday dawladda Soomaaliya, ayaa  wasiirka  oo  saxaafadu wax ka waydiisay in uu kulamo gaar ah la yeeshay  xubnaha ka socday dawladda Xamar,  waxa uu ku jawaabay “Ma jirin wax kulan gaar ah oo na dhexmaray masuuliyiinta Soomaaliya. Qof waliba waxa uu sharaxayay qadiyadda wadankiisa iyo fursadaha maal-gashi eek a banaan. Kulankani muu ahayn mid Soomaaliya oo keliya loo qabtay, waxaa ku jirtay Holland, waxaa ku jirtay Sweden, waxaa ku jirtay Denmark oo aanan anigu tegin, waxa kale oo ku jirtay Norway oo markii danbe laga baaqday.Markaa shir Soomaalidda oo qudha loo qabanayay oo u gaar ah, muu ahayn. Balse wuxuu ahaa shirk a balaadhan, oo aynu la leenahay, oo aynu danaheena iyo nabadgeliyadeena, dimoqraadiyadeena iyo horumarkeena ku sharaxaynay ayuu ahaa. Arrintii cashadda ahayd, oo  aad loo buun-buuniyay waxay ahayd maalgashadeyaal  iyaga laftoodu doonaya in ay dalkeena maalgashadaan  oo na casuumay”ayuu yidhi wasiirka wershadaha.

Leave a Reply