Xukuumadda Oo Soo Afjartay Murankii Haamaha Shiidaalka Berbera Iyo Wasiirro Ka Hadlay

0
433

By: Khadar M. Dhako
Berbera (Dawan)- Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in xukuumaddu soo gabo-gabaysay xiisad ka dhalatay koox dhalinyarro ah oo ka soo jeeda gobolka Saaxil oo ka soo horjeeday wareejinta kaydka haamaha shiidaalka Berbera.
 
“Hawshii aanu u nimid iyo is afgaran waagii yaraa ee ka dhashay arrimaha haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera si wanaagsan ayay noogu dhamaatay, waxaana u mahad celinayaa ILLAAHAY iyo odayaashii salaadiintii iyo waxgaradkii ee sida quruxda badan noogala shaqeeyay arrintaa, dhallinyaradii cadhootay siday u qanciyeen arrintuna meel wanaagsan ayay ku soo noqotay waana dhaqanka umadda  Somaliland in wax walba ku xalino isqancin iyo wada hadal oo wax walba xaga wanaagsan ka eegno wax dhibaato ahina ma jirto markaa maamulka gobolka Saaxil iyo odayaasha waan u mahadnaqayaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Berbera.
 
Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha Cali  Maxamed Cilmi ayaa  isaguna uga mahad-naqay cuqaasha iyo dhallinyarrada reer Berbera ee la qaatay in wada hadal lagu dhammeeyo arrinta haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera, waxaana uu yidhi “Arrintii aanu u nimid magaalada Berbera ee xaga nabadgalyada ku  saabsanayad si afgarada ayay noogu dhamaatay waxaana uga mahadnaqayaa cid kastoo ka qaybqaadatay haday tahay salaadiinta dhallinyarada iyo haday tahay madaxda heer gobol iyo heer degmo waxaana u mahadcelinayaa cidii ajiibtay wixii aanu soo jeedinay ee hawshaa haamaha kaydka shiidaalka ku jirtay.”
 
Wasiir ku xigeenka wasaarada warshadaha Cali Axmed Dhegoole ayaa waxa uu tilmaamay in aanay ahayn arrin culus heshiiska ay ka gaadheen haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera waxaana uu yidhi  “may jirin wax dhiba oo buurani ee waxa ay ahayd wax aan sidaa u balaadhnayn, laakiin waxa ay ahayd dhallinyaro wax tabanayay, arrintaasu way soo gabogabowday si qurux badan oo afgarad ah oo gacan nagu siiyeen odayaasha iyo waxgaradka maamulka gobolka Saaxil.
 
 

Leave a Reply