Wasaaradda Ciyaaraha Oo Digniin U Xulka Gobolka Maroodijeex, Cabashadoodana Ku tilmaantay Mid Aan Sharciga Waafaqsanayn

0
369

Hargeysa(Dawan): Wasaaradda  dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa digniin adag u dirtay xulka kubbadda cagta ee gobolka Maroodijeex oo ku gacansaydhay   natiijadda ciyaartii  ay kaga hadheen in ay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka ciyaaraha goboladda.
Xulka gobolka Maroodijeex  oo ay Isniintii todobaadkan ciyaar wada yeesheen xulka gobolka gobolka Awdal kuna  dhexmartay magaaladda Boorama, waxaanay  ku andacooday in aanay ka hadhin wareegga labaad ee tartanka Ciyaaraha gobolada kulamadii ay ku yeesheen magaalada Boorama.
 
Agaasimaha Guud ee wasaaradda  Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha  Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN,  ayaa  ku tilmaamay  cabashadda xulka gobolka Maroodijeex in aanay sifo sharci ah u marin  cabashadooda isla markaana go’aanka wasaaraddu uu yahay mid aanay waxba iska bedelin oo xulkaasi uu  sidaa kaga hadhay wareega labaad ee ciyaaraha.
Agaasimaha guud, oo ka jawaabayay  cabashadda xulka Maroodijeex waxa uu yidhi  “Ciyaaruhu sharci ayay leeyihiin sharciga ayaana loo maray  go’aanka  xidhiidhku   ka  gaadhay in xulka gobolka Maroodijeex ka hadhay wareega labaad.   Kadib   markii ay sharciga ciyaarta u hoggaansami waayeen,  ee ay ka dareereen garoonka. Halka  xulkiii gobolka Awdal-na ay waayeen cid la  ciyaarta,  Sharciga  ayaa dhigaya in xulka garoonka ku hadhay ee u jooga in lala ciyaaro guusha ciyaarta in la siiyo.
Markaa  Xulka Maroodijeex iyaga ayaa qalad sameeyay oo Gool ku Laadkii lagu dhigay diiday,  cabashadoodana sharci umay marin. Waxaanay ahayd in marka hore ay ciyaarta dhamaystaan oo ay garoonka ku jiraan isla markaana ay ogolaadaan in Rigooraha lagu Laado.  Kadibna  ay cabashadoodda ay si sharci ah u soo gudbiyaan. Mar walba Rigooreyaashu sax ma wada noqdaan,  laakiin ciyaartoyda u hoggaansami waaya ayaa qaladka isla leh”.
 
Maxamed Xuseen Dhabbeeye, oo aanu waydiinay tallaabada ay ka  wasaarad ahaan qaadayaan maadaama oo   xulka kubbadda cagta ee  Maroodijeex ay diideen  go’aanka  xidhiihka ciyaaruhu  ka gaadhay ciyaartii ay xulka gobolka  Awdal wada yeesheen. Waxa uu ku jawaabay    “Waxaa jira sharci caalami ah oo ay ciyaaruhu leeyihiin,  waana waajib in ay  u hoggaansamaan ciyaartoyda Maroodijeex.  Sababtoo  ah iyaga ayaa garoonka ka baxay oo   ciyaarta  ka dareeray,  taa go’aankeeduna waxaa weeyi  sidii ay xidhiidhku go’aanka uga soo saareen,  haddii ay hadal ka  keenaanna waxay saamayn doontaa mustaqbalkooda ciyaareed. Ciyaartoyga  Maroodijeex waxaan  leeyahay waad hadheen ee ku qanca,  oo ka qayb qaata soo dhaweynta goboladda Martida idiin ah”ayuu yidhi agaasime Dhabeeya.
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Mushkiladda inna haysataa waxay tahay ka siyaasad ku dhaca iyo ka ciyaar ku dhaca,  midna guul darada qaadan kari mayo.  oo wuxuu odhanayaa waa la I  dulmiyay iyo qalad ayaa la igu reebay,  laakiin waxay ahayd qofku ama kooxdu in ay ku talo gasho guul iyo guul darro labadaba,  oo aanay kugu adkaan in aad guul darada qaadataa.
 
Ciyaartaasina  way dhamaatay hore ayay kooxda Maroodijeex koobka ugu guulaysteen saddex jeer, cid dhibaato u gaysatayna ma jirto,  wax iyaga gaar ugu dhacayna ma jirto,   magaaladda Boorama-na waa lagu soo dhaweeyay si sharaf leh oo wanaagsan ayaa loo qaabilay.  Laakiin  guul daradda soo gaadhay oo ay malaha qaadan kari  waayeen  ayaa ka hadlinaysa”.
 
Agaasimaha guud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maamulka gobolka Maroodijeex, tababareyaashii iyo masuuliyiin kaleba in ay la soo safteen ciyaartoyga, halkii ay  ahayd in ay ka qabtaan sharci daradda ay ciyaartoyga ku andacoonayaan.   “Midda  kale waxaa nasiib darro ah in maamulkii gobolka  haddii ay badhasaab tahay,  haddii ay tababarihii xulka tahay iyo haddii ay isu-duweyaal tahayba,  iyagoo jooga ayay ciyaartoygii hadlayaan oo ay  kaba soo horraynayaan,  taasina waa ayaan darro inteeda le’eg . Waxaanay  ahayd  in ciyaartoda waxaa  kaliya ee laga rabaa waa ciyaar markaa waxay ahayd in aanay maamulkooda ka soo horrayn”ayuu yidhi agaasimaha guud.
 
Waxaa kale oouu ka hadlay rebashadihii hadheeyay   intii ay socdeen    tartankii ciyaaraha ee   gobolka Awdal, waxaanu   sheegay  agaasimaha guud in ciyaaraha  caalamka oo dhan ay mararka qaar dhacdo in sidan oo kale ay rebshado uga dhacaan, hase yeeshee aanay ahayn kuwo dhibaato keenna.
 
Waxaanu yidhi   “Caalamka oo dhan marka ciyaaro la ciyaarayo rebshado way ka dhacaan taasina mid xumaani ay keento ma aha,   ee taageeradda iyo xamaasadda Ciyaaraha ayaa sabab u noqota oo dalal waaweyn oo caalamka ah oo qalabyo kala duwan haysta oo ay ammaanka ku sugaan,  oo garoomo waaweyn leh ayaa marka ciyaaruhu ka bilaabmaan ay rebshado ka dhacaan,  oo ay malaayiin qof ku dhintaan.  markaa dhibaato gaar inoo ah ma aha haddii ay ciyaaraha rebshado ka dhaceen.  Xildhibaankana waxaan leeyahay,  adiga ciyaaruhu hawl kuu taalla ma aha ee xidhidh  la doortay ayaad tahay,  waxaanu xil kaa saaran yahay in aad marti geliso,  oo aad soo dhawayso gobolada Caasimadda martida u ah.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply